Maamulka Somaliland oo iska fogeeyay warar laga faafiyey

Image
Warbixinadan ayaa ku saabsan dagaalkada bilooyinkii lasoo dhaafay ka ooganaa magaalada Laascaanood.

HARGEYSA, Somaliland - Wasaaradda gaashaandhigga Somaliland ayaa iska fogeysay wararka ku saabsan in ay duqeymo la beegsatay isbitaalka guud ee magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Wakaaladda wararka ee AP oo soo xigatay wasaaradda ayaa intaas ku dartey in maamulka Hargeysa ay "ka go'an tahay in xabadda la joojiyo si waafaqsan go'aankii soo baxay 10-kii Febraayo, 2023".

"Duqeymaha aan loo meel dayin ee ka dhanka ah xarumaha rayidka ah waa wax aan la aqbali karin, waana in la joojiyo," ayaa Qaramada Midoobay iyo saaxiibada caalamka ka digeen isla bishii hore.

Agaasimaha isbitaalka magaaladda ayaa ku eedeeyay ciidamada Somaliland inay burburiyeen shaybaarka isbitaalka, keydka dhiiga iyo qeybta bukaanada kadib weeraradii hoobiye.

Cabdimajiid Sugulle oo u waramay AP ayaa hoosta ka xariiqay in colaadda socota in ka badan labada bilood aysan "jirin maalin ay duqeymo iyo khasaaro la'aan ahaan Laascaanood".

"Ciidanka Somaliland ee ku sugan meel ka baxsan magaalada ayaa si aan kala sooc lahayn u duqeeyay dadka rayidka ah iyo goobaha caafimaadka. Ma jirto maalin duqeyn iyo khasaaro la'aan ah," ayuu tibaaxay.

Dadka kasoo horjeeda joogitaanka Somaliland ee Laacaanood ayaa ku dhawaaqay in ay doonayaan in ay hoostagaan dowladda federaalka Soomaaliya taasoo ku baaqdey in xalka lagu goobo wadahadal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM