Maamulka Somaliland oo qarka u saraan dagaal sokeeye

Image
Xisbiyada Mucaaradka ee Waddani iyo UCID ayaa dhiggooda Kulmiye ku dhaliilay qorshaha lagu ballaarinayo Axsaabta.

HARGEYSA, Somaliland – Somaliland oo sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan wali helin aqoonsi caalami ah ayaa qarka u saran dagaal sokeeye sida uu sheegay hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID Faysal Cali Waraabe oo Muuse Biixi ku eedeeyay in uu ka shaqaynayo dib u dhaca doorashada madaxtooya maamulka.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Somaliland ay qarka u saaran tahay dagaal Sokeeye oo salka ku haya Doorashada balse keliya loo baahan yahay in lagu shaqeeyo habraacii ay wax ku xalin jireen indheer-garadka.

“Xalkeenu ma aha in aan beelo u kala baxno, haddii aad dhahdaan reer hebel ayaa sidaas sameynaya waa la fahmi karaa waxa ka dhalan kara, Dadka la xirayo ee xabsiyada laga buuxinayo waa qayb kamid ah keli-talisnimada, Somaliland maanta waxa ay taagan tahay meel halis ah, Maanta haddii aan is qabano ma jirto cid na kala qabaneyso sida qolyaha Xamar oo kale” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in la abuuray Dad baraha Bulshada dadka ka aflagaadeeya oo sumcad dil ku sameeya isla markaana dhaqaale uu ku bixiyo maamulka.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu xusuusiyay in uu fuliyo ballanta uu la galay Axsaabta mucaaradka kaddib bisha Barakeysan ee Ramadaan si ay uga xaajoodaan muranka ka taagan Doorashada.

“Muuse Talo haka suginana ee aan tashano oo Wanaag haka filina reer Somaliland, Dhibaatadu dadka way wada heysaa, Dadkii oo dhan way heysataa Dowlad xumaanta, waataa Dhalinyaradeena gabyeesa, waa innaga reer-reer u kala baxnay, waa innaga is caayeena, hala ka badbaado ayaan leeyahay” Sidaasi waxaa yiri Faysal Cali Waraabe.

Siyaasigaan hadalka adag ayaa ka digay is qabqabsi ka taagan cidda dhiseysa Suuqa Waaheen ee Magaalada Hargeysa oo gubtay 1dii April 2022, Faysal ayaa tilmaamay in shaqada la kala leeyahay haddii la raaco sharciga si xasiloon oo aan buuq lahayd loo dhisi karo suuqaas sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa aan sugayaa insha allaah bacdal ciid, marka hore waataa ballansaneen Muuse Biixi oo aan idhi marka aad soo noqotid ayay arrin inoo taallaa oo waxa uu socday Mareykanka” ayuu yiri Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka UCID Faysal Cali Waraabe.

Xisbiyada Mucaaradka ee Waddani iyo UCID ayaa dhiggooda Kulmiye ku dhaliilay qorshaha lagu ballaarinayo Axsaabta, waxa ay ku tilmaameen tallaabooyin lagu dib dhigayo Doorashada si waqti kale uu xafiiska usii joogo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo xiray xadka maamulka Somaliland

Talaabadan ayaa timid kadib iska horimaad xooggan oo ka dhacay degmada Xarshin.

  • Somaliland

    25-12-2024

  • 08:51AM

Madaxwayne Cirro oo gudoomiyay shirkii koowaad ee xukuumadiisa

Madaxtooyadda Somaliland ayaa kulankan waxay ku qeexdey isbarahso iyo qeybinta hagaha xukuumadda.

  • Somaliland

    15-12-2024

  • 12:54PM