Maamulka Somaliland oo xilal dheraad ah u magacaabey Reer Sool
HARGEYSA- Kadib markii Madaxweynaha Somaliland isku shaandheyn ku sameeyey golihiisa wasiirada, agaasimayaasha iyo taliyaaasha ciidamada 15 August ayaa waxaa soo baxaya warar aheegaya in talaabadaan diirada lagu saarayey sidii maamulkaas loogu soo dhoweyn lahaa shacabka gobolada Sool iyo Sanaag.
Isbadalada ugu muhiimsan ee isku shaandheyntaan soo kor dhisay kuwasoo loo magacaabey xubno kasoo jeeda gobolka Sool ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Arimaha gudaha iyo Amniga oo loo magacaabey Yaasiin X. Maxamud Xiir [Faratoon], Guuleed Maxamed Shire, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista, Yusuf Axmed Faarax (Af-lahaar), Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka, Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Beeraha, Maxamed Axmed Xasan (Jabarti), Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka, Maxamed Axmed Aadan (Maxamed Boocame). Wasiiru Dowlaha Wasaarada Warfaafinta Iyo Wacyigelinta, Sarreeye Guuto, Saleebaan Barre Xasan, Abbaanduulaha Labaad ee Ciidanka Somaliland, Mudane, Maxamuud Ismaaciil Cilmi (Deeq), gudoomiyaha gobolka maroodi jeex iyo laa taliyaha Wasiirka Arimaha Gudaha xaaji Jeeni yare.
Dhamaan xubnaha loo magacabey xilalkaan ayaa kasoo jeeda gobolka Sool iyadoo wararka sheegayaan in talaabadaan aysan qayb ka aheyn wadahadalada la sheegey in malamahaan u socdeen xubnaha Khaatumo iyo Somaliland.
Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in magacabistaan ku soo beegmeyso xilli maamulka Siilaanyo dadaal ugu jiro sidii diwaangalinta doorashooyinka uga dhici laheyd gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Magalaada Buhoodle ayaa sidoo kale waxa asbuucaan booqasho ku tagey Wasiirka Caafimaadka Somaliland kaasoo si diiran loogu soo dhoweeyey waxaana wararku shegayaan in uu halkaas Xaglo toosiye kawado dadaalo uu banaanka kaga dhigayo gobolkaan siyaasiyiinta Puntland iyo kuwa Khaatumo kasoo jeeda.
Madaxwyne ku xigeenka Puntland oo degaan ahaan kasoo jeeda magalaada Buhoodle ayaa ilaa hadda ka hadlin isbadaladaan ka socda guud ahaan gobolka Sool iyo qorshaha siyaasdeed xukuumadiisu ka leedahay isbadaladaan.
GAROWEONLINE