​Madaarka Hargaysa oo laga mamnuucay soo dhaweynta

Image

HARGEYSA- Wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland, ayaa shaacisay inay gebi ahaanba joojisay soo dhaweynihii sii gelbintii masuuliyiinta xilalka kala duwan haysa ee loogu samayn jirey madaarka caasimadda Hargaysa, isla-markaana wixii haatan ka dambeeya aan cidna laga ogolayn dad daba socda.

Shir jaraa’id oo masuuliyiinta wasaaradda duulista oo uu hoggaaminayo wasiir Cumar Maxamed Faarax ku qabteen barxadda hore ee garoonka ayey ku shaaciyeen inay la-tashi dheer oo ay madaxweyne Siilaanyo la qaateen kadib, go’aansadeen inay joojiyaan soo dhaweynaha iyo sii gelbinta masuuliyiinta kala duwan oo uu madaxweynuhu ku jiro, iyagoo sababtana ku sheegay xaalad ammaan.

Masuuliyiintu waxa ay carrabka ku adkeeyeen tirada dadka madaxda madaarka isticmaalaysa daba yaacdaa ka badan tahay awooddooda baariseed, isla-markaana ay garwaaqsadeen in arrintaas lasoo afjaro si looga hortago amaan xumo garoonka ka dhaca ama ku timaadda madaxda garoonka isticmaalaysa.

Waxay sidoo kale masuuliyiinta wasaaraddu farriin u direen madaxda kala duwan ee Somaliland, taasoo ku aadan arrinta soo dhaweynta, waxayna u sheegeen inay ku qabsadaan xaafadahooda.

Dhawaan ayey ahayd markii madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud "Siilaanyo" iyo xubno wafti ah kasoo degeen garoonka Cigaal International Airport, kuwaas oo garoonka dhexdiisa wax soo dhaweyn ah loogu samayn, isla-markaana saxaafadda kula hadlay xarunta aqalka madaxtooyada, iyadoo taasi gogol-xaar u ahayd tallaabada haatan la shaaciyey ee lagu joojiyey soo dhaweynihii garoonka dhexdiisa iyo waliba saxaafaddii lagula hadli jirey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM