​Madaxweynaha Somaliland oo Hargaysa ku laabtay

Image

HARGEYSA- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa kasoo laabtay safar maalmo qaatay oo uu ku aaday dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxana soo dhaweyn loogu sameeyey caasimadda Hargeysa.

Madaxweynaha oo hoggaaminayey wafti wasiirro, guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo xubno kale iskugu jira, ayaa heshiis dib loogu casriyeynayo dekeda Berbera lasoo galay shirkadda DP World ee fadhigeedu yahay dalkaasi, waxana si weyn soo dhaweyntiisa loogu abaabulay shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa ka gaabsaday inuu warbaahinta la hadlo, waxana taas beddelkeeda si kooban saxaafadda ula hadlay afhayeenkiisa iyo wasiirka madaxtooyada, kuwaas oo guul Somaliland u soo hoyatay ku tilmaamay heshiiska lagu casriyeynayo marsada Berbera oo mucaaridku si weyn uga soo horjeesteen.

Sababta uu madaxweynuhu warbaahinta ula hadli waayey, ayaa lagu sheegay inuu munaasibadda 18-ka may u dhigtay khudbadiisa, isla-markaana uu halkaas ku faahfaahin doono miraha laga dhaxlay heshiiska xukuumadiisu la saxeexatay shirkadda DP World.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM