Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA - Madaxweynaha Somaliland, Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, kadib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed.

Madaxweynaha iyo weftigiisa waxa garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee Bole International Airport ku soo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya, Gedion Timotheos, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka ah ee Itoobiya.

Soo dhawaynta loo sameeyay madaxweynaha Somaliland ayaa ahayd mid si heer sare ah loo agaasimay, iyadoo markii ay yimaadeen lagu soo dhaweeyay qolka VIP-da ee garoonka, halkaas oo ay qaddar kooban ku nasteen, ka dibna loo galbiyay goobtii ay ka degi lahaayeen magaalada Addis Ababa.

Safarka Cirro ayaa hal maalin ka dambeeyay mid uu Xasan Sheekh ku tagey Addis Ababa, kaasoo wali la ogeyn ujeedkiisa, balse la sheegay inuu la xiriiro arrimo ay kamid tahay xaaladda gobolka Gedo, oo Jubaland iyo dowladda Federaalka ku loolamayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo Safar ugu Baxay Dalka Imaaraadka Carabta

Safarkan ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland 26-kii December 2025 aqoonsi ka heshay Maamulka Israel.

  • Somaliland

    02-02-2026

  • 11:58AM

Sheekh Mustafe: Somaliland waxay khiyaantay taariikhdeeda iyadoo la macaamishay Israel

Hadalka Sheekh Mustafe ayaa dood wayn ka dhaliyay Somaliland, maadaama uu yahay shaqsi saameyn leh, iyadoo...

  • Somaliland

    24-01-2026

  • 10:47AM