Magalaada Burco oo lagu soo rogey xaaalad deg deg ah

Image

Burco, waxaa magaalada lagu soo rogay xaalad deg deg ah golaha deegaanka oo shiray ayaa go'aankaasi gaaray , si loo xakameeyo cudurka shuban biyoodka oo si xowli ah u faafaya.

Golaha deegaanku waxay sheegeen in la fasaxay dhamaan goobihii waxbarashada kuwa gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowliga ahba, waxaa la hakiyey imtixaanaad socday.

Shaqooyinka iyo meelaha dadku isugu imanayaan ayaa taxadar la muujinaya, kooxo gurmadka deg dega ah ee caafimaadkana waxa la geeyay labada kaantarool ee magaalada.

Cudurka shuban biyoodka waxaa lasoo sheegaya in dadka uu soo ritay ay gaareen 1000 qof, waxaana socda dadaal xoogan oo ay wadaan kooxaha caafimaadka ka shaqeeya.

Jaamac Depraani

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM