Biixi oo ka hadlay Dab baabi'iyay suuqa weyn ee Hargeysa

Image
Image
Image
Image
Biixi ayaa ku dhawaaqay $1 milyan oo lagu taageerayo ganacsatada ku hanti-beeshay dabka.

HARGEYSA, Somaliland - Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta soo kormeeray bartamaha suuqa weyn Hargeysa ee WAAHEEN oo uu xalay ka kacay dab ballaaran oo baabi’iyey ganacsigii ka jiray goobtaasi.

Biixi ayaa dhex lugeeyey dhismeyaashii kala duwanaa ee uu suuqu ka koobnaa oo isu dhalanrogay goobo uu qiiq iyo hadhaagii hantidii halkaas taallay buux dhaafiyeen.

Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Albaani) oo wehliyey Biixi ayaa bulshadii masiibadu gaaray tacsi u diray, iyaga oo ku baaqay in gacmaha la isu wada qabsado sidii gurmad guud loo samayn lahaa.

Duqa Caasimadda Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge iyo Taliyaha ciidanka Dabdamiska, Somaliland, Sarreeye guuto Maxamed Axmed Sawaaxili oo halkaas ka hadlay ayaa iyaguna dhankooda "masiibo qaran" ku tilmaamay dabka qabsaday suuqa Waaheen.

Madaxweyne Biixi ayaa dadkii hantidoodu baaba’day Eebbe uga baryey inuu beddel khayr leh siiyo, isaga oo shacabka reer Hargeysa iyo ciidamada kala duwanna ugaga mahadnaqay sida hagar la’aanta ah ee ay u gurmadeen.

Gargaar "heer qaran ah"

Xukuumaddiisa ayuu xusay in ay qaddar lacag ah oo dhan hal milyan oo Doollar u sii daysay guddida la magacaabay si loogaga hawl-galo masiibadaas, taas oo ay ku shaqayn doonaan guddi "heer qaran ah".

"Maanta waxaynu gelaynaa gurmadkii, guddidaa la magacaabay ee Sheekhu hoggaaminayaa waxay gelaysaa gurmad aad ah, xukuumadduna waxay usoo daynaysaa $1,000’000 (Hal milyan) oo dollar, si ay ugu howlgasho," ayuu xusay.

Wuxuu hadalkiisa raaciyey: "Hargeysa waynu dhisanaynaa, iyada oo dhulka lala simay oo aan saqaf lahayn baynu dhisnay, taasna ka werweri maayo inaynu dhisayno markaynu isugu tagno".

Ugu dambayntii, Biixi ayaa shacabka ugu baaqay inay u gurmadaan dadkii dabku sida gaarka ah u dhibaateeyey ee hantidoodii burburtay, isaga oo dawladda Hoose iyo wasaaradaha ku shaqada leh dhulka iyo Amnigana amray inay qorshe cad oo bacadlaha Waaheen iyo goobaha kale ee cidhiidhiga ah ee Suuqaba.

"Waxaynu isku ognahay midnimo iyo inaynu u gurmanno walaalaheennaa qof waliba wuxuu tari karayo iyo in guddidaas aynu u dirnay hawshaas kasoo kabashadeeda aynu aqbalno. Dawladda Hoose iyo wasaaradaha Dhulka iyo arrimaha guduhu waxay faran yihiin inay qorshe u sameeyaan bacadlahaas iyo kuwa kale ee cidhiidhiga ahba," ayuu kusoo xiray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo xiray xadka maamulka Somaliland

Talaabadan ayaa timid kadib iska horimaad xooggan oo ka dhacay degmada Xarshin.

  • Somaliland

    25-12-2024

  • 08:51AM

Madaxwayne Cirro oo gudoomiyay shirkii koowaad ee xukuumadiisa

Madaxtooyadda Somaliland ayaa kulankan waxay ku qeexdey isbarahso iyo qeybinta hagaha xukuumadda.

  • Somaliland

    15-12-2024

  • 12:54PM