​Maxaa Somaliland looga reebay Miisaaniyadda DFS?

Image

MUQDISHU, Somalia -  Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle oo ka hadlay Sababta Somaliland looga reebay Miisaaniyad sanadeedka dowladda Fededaalka Somalia, ee sanadkan 2017.

Beyle ayaa sheegay in Miisaniyadda dowladda hadda ay quseyso oo kaliya dowladda Federaalka iyo maamul xubnaha ka ah, kuwaasi oo loo qoondeeyay lacag gaar ah, oo laga siinayo Dhaqalaha xukuumadda.

Wasiir Beyle ayaa xusay in Somaliland iyo dowladda Somalia uu u socdo Wadahadal dhanka siyaasadda ah, islamarkaana markii ay soo dhamaadaan lagu soo dari doono qeybsiga miisaaniyadda dalka.

“Markii Siyaasadda laga heshiiyo ayaa lagu soo dari doonaa Somaliland Miisaaniyada, taasina waqti dheer ayay qaadanaysaa, sidaasi darteed Bajadka hadda waxaa lagu soo koobay shanta maamul goboleed ee kale, gobolka Banaadir iyo dowladda Dhexe,” ayuu yiri Wasiir Beyle.

Hadalka Beyle ayaa yimid markii Kulankii Shalay ee Baarlamaanka ku weydiiyeen Xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland Sababta uu uga reebay Miisaaniyadda cusub Xuquuqda shacabka ay matalaan.

Si kastaba, Somaliland ayaa horey u shaacisay inay ka go’day Somalia 1991, inkastoo aysan wali helin aqoonsi caalami ah, sidaasi dareedna ay wado wadahadal ay la sameynayso dowladda Federaalka.

Somaliland ayaa dhowr jeer wadahadal la gashay dowladahii ugu dambeeyay ee dalka, laga soo billaabo xilligii Sheekh Shariif [2009 – 2012] illaa Xasan Sheekh [2012 – 2015], iyadoo qodobadii lagu heshiiyay aan wali dhaqangelin, qaybtoodna lagu kala kacay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM