​Maxkamadda Sare Somaliland oo xukun ka gaartay khilaafka UCID

Image

HARGAYSA, Somaliland- Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa maanta xukun kama danbeys ah ka gaartay khilaaf muddo soo jiitamay oo u dhaxeeyay labo garab oo ka kala tirsan xisbiga mucaaradka ee UCID.

Doodda khilaafka labada dhinac oo muddo soo jiitamaysay ayaa hortaallay maxkamadda sare, waxayna maanta shaacisay tallaabadii ay ka qaadatay.

Maxkamadda ayaa xukuntay in la qabto shirweyne aan caadi ahayn lixdan maalmood gudahood si loo horgeeyo heshiis ay mar hore labada dhinac wada galeen, iyadoo egrada shirweynahaasi loo raacaayo xeerka xisbiga qodabkiisa 12aad.

Waxay kaloo maxkamadu xukuntay in guddi qabanqaabo oo toban xubnood ka kooban ay hawlgeliyaan labada garab, si is la'egna ay u soo magacaabaan , waxaana marjac u noqonaya gudigaasi hogaanka sare ee xisbiga UCID, wuxuuna yeelanayaa hogaanka sare awoodda go'aannada kama danbeysta ah.

Madasha go'aanka lagu gaarayay, ayaa waxaa joogay mas'uuliyiinta is khilaafsan, waxayna mar ay ka hadlayeen sheegeen inay soo akhrin doonaan go'aamada soo baxay in kastoo si guud u muujiyeen  qanacsanaan.

Marxalado kala duwan ayuu soo martay dooddan iyadoo marar kala duwan racfaan ka qaateen Faysal Cali Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM