Muuse Biixi oo eryay mas'uuliyiin, kuwa cusubna magacaabay

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa Isniinta maanta ah wuxuu magacaabay mas'uuliyiin, sidda lagu sheegay wareegto xafiiskiisa kasoo baxday.

Maxamed Axmed Caalin Yuusuf ayaa laga dhigay Guddoomiyaha Gobolka Awdal, wuxuuna bedelayaa Cabdiraxmaan Axmed Cali Muuse.

Sidoo kale, Axmed Cige Maxamed Geeddi ayaa loo gartay Guddoomiyaha Gobolka Hawd, wuxuuna bedelayaa Yaasiin Maxamed Shide Ibraahim.

Intaas waxaa wehlisa, Axmed Cismaan Xasan Cilmi waxaa loo xushay Guddoomiyaha Gobolka Sanaag, Axmed Maxamed Xaashi Ducaale, Guddoomiyaha Gobolka Saaxil, Cabdikariim Aadan Xaaji Diiriye waa Guddoomiyaha Gobolka Gabiley iyo Maxamed Cismaan Xaaji Axmed oo la shaaciyey in loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Saraar.

Sanaag ayaa kamid ah gobolada Sool iyo Ceyn oo oo ay isku hayaan maamuladda Puntland iyo Somaliland, ayna ka dhaceen isku dhacyo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ciidamada ah.

Ma cadda sababta keentay isbedelka uu Muuse ku sameeyay gudoomiyeyaasha, balse waxay imaaneysaa xilli maamulkiisa uu wajahayo kacdoon gudaha ah oo la xiriira in xilalka aysan u sineyn dadweynaha.

Somaliland ayaa sameysatay gobolo kala duwan tan iyo markii ay 1991-dii ku dhawaaqdey in ay ka go'dey Soomaaliya inteeda kale, balse caalamka wuxuu u aqoonsan yahay maamul hoostaga Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM