Muuse Biixi oo Ciidanka amaanka u adeegsanaya ‘cagajuglaynta’ Mucaaradka

Image

HARGEYSA, Soomaaaliya - Xirsi Cali Xaaji Xasan, guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo maanta looga yeeray xarunta dambi baarista Somaliland ayaa sheegay in hoggaamiyaha maamulka Muuse Biixi Cabdi uu adeegsanayo ciidanka amaanka si uu ugu qalqal galiyo madaxda Xisbiyada mucaaradka ah.

Xirsi Cali oo warfidiyeenka kula hadlay guriga Cabdiraxmaan Carro ayaa ku eedeeyay Muuse Biixi Cabdi in uu doonayo khalalaase iyo Buuq uu ku furo hanaanka siyaasadeed ee Somaliland si shacabka loo marin habaabiyo.

"Muusow maalmaaha kuu haray adigaa doortay inaad buuq abuurto anaguna buuqa aan kugu caawin doonaa" ayuu hoosta ka xariiqay gudoomiye Xirsi ka dib markii uu ka soo laabtay Xarunta laanta dambi barista Somaliland oo maanta looga yeeray.

Xirsi ayaa sheegay in uu cadayn u haayo in Muuse Biixi uu haysto Baasaboorka dadka Jabuuti balse uu sheegto in uu ku safro baarsaboorka Somaliland oo aan haysan aqoonsi caalami ah tan iyo markii ay sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sanadkii 1991-dii.

"Inuu haysto madaxweynuhu Passportka Jabuuti oo aan caddeynayo waan u sheegay C.I.D- da" ayuu hadalkiisa raaciyay.

Xirsi Cali Xaaji Xasan, guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani , ayaa sheegay in su’aalo laga waydiiyay shir jaraa’id oo uu dhawaan qabtay, isaga oo talaabadaasi ugu yeeray mid hanjabaad ah.

Talaabadaan ayaa ah tii ugu horraysay ee guddoomiye xisbi Mucaarad looga yeero xarumaha laamaha ammaanka Somaliland, iyada oo xisbiyada mucaaradka ah ay Muuse ku eedeeyay hanjabaad iyo Cagajuglayn in uu ku haayo xisbiyada Mucaaradka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM