Roobab xoogan oo ka da'ay Somaliland Dadna ku dhinteen

Image

Roobab fiican ayaa ka curtay meelo badan oo ka mida deegaanada Somaliland, meelaha roobabku ka da'een waxa ka mida Gobolka Awdal ilaa inta u dhaxaysa gobolka togdheer 

Roobabkani oo ahaa  kuwo aad u xoog badan oo  sababey daadad badan in dooxyadu soo rogmadaan. 

Magaalada Hargeysa maanta iyo shalay waxa helay roobab xoog leh oo kuwasoo magalaada dhamaanteed biyo dhigia ku sameeyey. 

Dhinaca kale habeenkiii xalay waxaa roob xoog leh oo ka da'ay jidka u dhexeeya Berbera iyo Hargeysa  kaas oo xidhay isku socodkii gaadiidka marayay wadadaasi, waxanay qaadeen gaari Surf ah oo ay wateen laba gabdhood oo walaalo ah kuwaasi oo halkaasi ku geeriyooday.

Dooxaan oo kasoo rogmadey dooxa Aw-Barkhadle ayaa gabdhaha ku dhintey maanta waxa lagu aasay magaalada Hargeysa 

Roobabkan haatan ka curtay Somaliland ayaa ah kuwo xoog badan, waxanay ku soo beegmaysaa waqti abaar xun ka jirto guud ahaan dhulka Somalidu degto.

Dad badan ayaa ka guuray deegaanadii ay deganaayeen abaar awgeed kuwaasi oo ay ka baxeen xoolihii ay lahaayeen.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM