Saylici oo lacag kala wareegay ciidanka Asluubta

Image

HARGAYSA, Somaliland- Madaxweyen ku-xigeenka maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lacag deeq ah kala wareegay taliska ciidanka Asluubta.

Lacagtan oo cadadkeedu kor u dhaafayay 70 Milyan oo shilling-ka Somaliland ayaa waxaa Madaxweyne ku-xigeenka ku wareejiyay taliyaha ciidanka Asluubta Somaliland, Sareeye Guuto Maxamed Cismaan.

Taliye Cismaan, ayaa sheegay in lacagtan iska soo aruuriyeen dhammaan ciidamada Asluubta Somaliland, qorshaheeduna yahay sidii looga qayb qaadan lahaa gurmadka dadka abaaruhu saameeyeen ee ku sugan deegaanada maamulkaas.

“Lacag dhan dhan Todobaatan Malyan, Sideed boqol, Labaatan iyo Shan kun oo SHSL ayaan ku wareejinay Madaxweyne ku-xigeenka oo sidoo kale ah guddoomiyaha gurmadka abaara,” Sidaas waxaa yiri taliyaha ciidanka Asluubta Somaliland.

Cabdiraxmaan Saylici, oo ka hadlayay deeqda lagu wareejiyay ayaa ka mahad-celiyay lacagtan, wuxuuna sheegay inay tahay wax lagu farxo sida naxariista leh ee ciidanka Asluubtu uga qayb qaateen gurmadka abaaraha.

“Aad baan ugu mahad-celinayaa sida wanaaga iyo naxariista leh ee ay uga qayb qaateen gurmadka abaaraha, waanu ka guddoonay deeqdaas lacageed,” Ayuu yiri mudane Saylici.

Arrintan ayaa timid xilli la joojiyay xuska 18 May oo ku beegay gooni isutaaga maamulka Somaliland, waxaana xukuumaddu sheegtay in kharashkuu ku baxayay loo weeciyay dhanka taakulaynta, waloow qaban qaabooyin kala duwan ka socdaan dibadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM