Shaqaaqo ka dhacday xabsiga weyn ee caasimada Somaliland
HARGEYSA, Somaliland - Shaqaaqo dhexmartey maxaabiis iyo cutubyo kamid ah ciidamadda Somaliland ayaa waxay Arbacada maanta ka dhex-dhacdey xabsiga weyn ee magaalada caasimadda ah ee Hargeysa.
Illaa haatan si dhab ah looma ogga waxa sababay qulqulatadan. Mas'uuliyiinta ayaan wali wax war ah kasoo saarin dhacdadan. Balse, waxay tageen meesha ay wax ka dhaceen si ay u qiimeeyaan xaalada.
Telefishinka ku hadla afka xukuumadda Somaliland ayaa wariyey in dhacdadan ay ka dhalatay gadood ay sameeyeen maxaabiis "balse ay ciidamadda ku guuleysteen in ay xakameeyaan xaaladda".
Illo wareedyo ayaa intaas ku daraya in maxaabiista ay isku dayeen in ay askarta ka furtaan hub fudud "balse ay ku guuldareysteen arrintaas" wallow warar qaar sheegayaan in ay "gacanta ku dhigeen".
Ciidamadda milatariga, booliska iyo Asluubta ayaa lagu daadiyey banaanka jeelka kadib shaqaadan ayaga oo dadweynaha iyo saxaafada madax-banaan u diidaya in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa.
Illaa lix wariye oo ay ku jiraan laba hablood ayaa lasoo wariyey in ay ciidamadda xabsi u taxaabeen ayaga oo isku dayaya in ay soo tabiyaan dhacdadan. Qaarkood ayaa la qabtey ayaga shaqo ku jiray.
Saxafiyiinta la xiray waxaa kamid ah Maxamed Ilig, mulkiilaha telefishinka MMTV, Xasan Galaydh oo ka tirsan BBC Soomaali iyo Sagal Mustafa oo la shaqeysa idaacadda codka Mareykanka ee VOA-da.
Durba baraha bulshadda waxaa ka bilowday olole lagu dalbanayo in xorriyadooda loosoo celiyo wariyeyaashan. Kacdoonkan waxaa la rajeynayaa in uu ku qasbo mas'uuliyiinta sii deynta wariyeyaasha.
Jeelka Hargeysa ayaa la rumeysan yahay in ay ku jiraan maxaabiis ay Somaliland si qarsoodi ah ugu xirtayay loona haysto falal argagixisanimo. Lama ogga hadii dhacdadan ay ka dambeeyaan shaqsiyaadkaas.
GAROWE ONLINE