Shiinaha oo war cusub kasoo saarey "xiriirka" Somaliland iyo Taiwan

Image

BEIJING, China – Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa war rasmi ah waxay kasoo saartay xiriirka ay sameysteen Taiwan iyo Somaliland, oo ah maamulo sheegtay in ay ka go'een dalalka China iyo Soomaaliya.

Zhao Lijian, afhayeenka wasaaradda oo Isniinta maanta ah u waramay war-fidiyeenka, ayaa cod dheer ku sheegay in dowladiisu ay si qayaxan uga soo horjeedo talaabada ay qaadeen Hargeysa iyo Taipei.

"Kaliya dunida waxaa ka jirta hal China, Taiwan si muqadas ah waa qeyb kamid ah China. Siyaasadda ku dhisan 'hal China' waa caado dunida aqoonsan tahay laguna saleeyo xiriirka iyo is-afgaradyadda," ayuu yiri.

Afhayeenka ayaa wuxuu hadalkiisa intaas ku daray: "China waxay si adag uga soo horjeedaa yagleelida hay'ddo rasmi ah ama nooc is-dhaafsi oo rasmi ah una dhaxeeya mas'uuliyiinta Taiwan iyo Somaliland".

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayuu ka bogaadiyey in ay cambaareysay cilaaqaadka labada dhinac isla markaana ay taageertay siyaasadda halbeegeedu "hal China" oo saaxiibada Bejing ay u ololeeyaan.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Somaliland iyo Taiwan ay kala saxiixdeen heshiis is-dhaafsi xafiis wakiileed iyo wadashaqeyn dhow oo ay ka yeeshaan dhinacyadda ammaanka iyo dhaqaalaha.

Inkasta oo ay 1991-dii ku dhawaaqeen in ay ka go'een Soomaaliya inteeda kale, beesha caalamka ayaa u ictiraafsan mas'uuliyiinta Somaliland in ay si toos ah u hoostagaan xukuumadda Muqdisho.

Somaliland ayaa u muuqaneysa in ay bilooyinkii lasoo dhaafay bilowday "howlgal qarsoodi ah" oo ay ku goobeyso aqoonsi ay ka hesho wadamada caalamka, talaabadaas oo lagu sifeeyay isbedel siyaasadeeda arrimaha dibadda ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM