​Siilaanyo oo ka hadlay colaadda Dharkayn-geenyo

Image

HARGEYSA- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), ayaa ka hadlay colaadda beelaha walaalaha ah ku dhexmaraysa deegaanka Dharkeyn-geenyo ee gobolka Sool, isagoo ugu baaqay dhinacyada is haya inay soo afjaraan dhibaatada dhexdooda ka taagan.

Muqaal la baahiyay ayaa madaxweyne Siilaanyo uga hadlay dhibaatada dagaalkaasi, wuxuuna dhuubabka dhaqanka labada dhinac usoo jeediyay inay guntiga u xirtaan sidii arrintaasi lagu soo afjari lahaa.

Mudane Siilaanyo waxa uu tilmaamay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay xallinta dhibkii dhacay, islamarkaana diyaar la tahay wixii awoodeeda ah.

”Waxaan ku baaqayaa in degdeg loo joojiyo colaadda sokeeye, waxa aan garaadada, cuqaasha iyo waxgaradka iyo culimada ugu baaqayaa inay gurmadaan, isla-markaana degdeg loosoo afjaro dhiigga dadka walaalaha ah ee qubanahaya. Ka xukuumad ahaan waxa naga go’an inaanaan waxba ka hagran sidii colaadaasi isku taagi lahayd,” Ayuu yiri Madaxweyne Siilaanyo.

Baaqa madaxweynaha, ayaa daba socda mid kale oo dhawaan xukuumadda Somaliland soo saartay, waxana xusid mudan in xukuumaddu ciidamo aan tiradoodu badnayn kala dhex dhigtay beelaha dagaallamaya.

Beelaha ku dagaallamaya deegaanka Dharkeyn geenyo, ayaa dhibaato laxaad leh is gaarsiiyay, waxana dhimashadu haatan ku dhawdahay ilaa iyo soddon ruux, halka tiro intaas ka badan ay dhaawac yihiin, iyadoo ay wali  taagan tahay warwarka dhibaatada beelahaas ka dhex aloosani.

Majirto waxa war ah oo kasoo baxay dhinaca Puntland, maadaama gobolka Sool qaybo kamid ah ka taliyaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM