​Siilaanyo oo ku baaqay in talo qaran laga yeesho Tahriibka

Image

HARGAYSA- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay masiibada ku habsatay dhallinyaro Somaliyeed oo ku geeriyooday badda u dhaxaysa dalalka Masar iyo Talyaaniga.

Siilaanyo oo qoraal tacsi iyo talo soo jeedin iskugu jirta xafiiskiisa kasoo saaray, ayaa dhimashada dhallinyaradaas oo badankoodu kasoo jeedaan Somaliland ku tilmaamay mid ku timid qaddarka Alle oo aan marnaba la oolin kareen.

Madaxweynuhu waxuu soo jeediyey in la dedejin doono talo qaran oo laga yeesho dhibaatada tahriibta, isagoo ku tilmaamay dhallin yarada aayihii dalka ee laga dhursugayey inay gacanta ku qabtaan talada dalka berrito, ilaalintooda iyo bedqabkooduna tahay waajib saaran kolba inta waaweyn ee masuulka ka ah iyaga iyo dalkaba.

Doon ku qarqoontay badweynta dalalka Masar iyo Talyaaniga u dhaxaysa, ayaa waxa ku nafwaayey dad tiradoodu ku dhawdahay ilaa 400­qof oo intooda badani soomaali ahaayeen, iyadoo tiro badan oo dhallinyaradaas kamid ahina kasoo jeeday Somaliland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM