Siiqada iyo fasiraada hadalada Somaliland ee falalka Laascaanood

Image
Dhacdadii ugu dambeysay waa in ciidamadii maamulka Hargeysa ay ka hayaameen magaalada.

HARGEYSA, Somaliland - Somaliland ayaa sharaxday ka bixitaankii ciidankeeda ee Laascaanood, waxayna ku sheegtay in dib u gurasho ay sameeyeen ciidanka si fursad loo siiyo nabadda, looguna turo shacabka.

Wasiirka arrimaha dibedda Dr Ciise Kayd ayaa xusay in arrintani qeyb ka tahay siyaasadda Somaliland ee ah "in ay iyada dhexdeeda xalisato dhibaatooyinka dhexdeeda ah".

Kayd ayaa sidoo kale tibaaxay "in ay dowlad ahaan garwaaqsadeen baaqyadii loo jeedinayay ee ahaa in ay ciidamada kala baxaan Sool, gaar ahaan baaqyadad beesha caalamka iyo cadaadiska lagu hayay".

Siciid Mire Giire, oo ah guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiilada Somaliland oo hadlay shir ay golaha yeesheen kadib, ayaa caddeeyay in Golaha uu ku baaqayo in ciidamada laga soo qaado Sool, kadibna loo fariisto wadahadal xal waara lagu gaarayo. Waxa uu intaasi ku daray in Golaha uu saarayo guddi 11 xubnood ah oo xalka wax ka gala.

Golaha ayaa shirey iyada oo uu magaalada Laascaanood ka hadlay guddoomiyihii golahan Cabdirisaaq Khaliif oo taageeray go’aankii garaadada, kuna baaqay in la joojiyo xabbadda.

Hadaladan ayaa imanaya xilli ciidamada Somaliland ay inta badan ka baxeen fariisimihii Sool, illaa deegaanka Tukaraq oo ahayd meeshii ay Somaliland sheeganaysay in ay ku ekeyd xudduudeeda.

Intii uu socday dagaalka ayaa waxaa ku barakacay wax ka badan 80 kun oo qof, waxaana ku dhimatay wax ka badan 100 qof oo shacab u badan, iyada oo ay jireen burbur hantiyeed iyo goobo dadweyne oo ay xarumo caafimaad ka midyihiin.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif ayaa maamulka Muuse Biixi ku eedeeyay in la galay dambiyo dagaal. Dhawaqan waxa uu culeyska kusii kordhiyay maamulka Hargeysa taasoo soo dadajisay in uu hadlo wasiir arrimaha dibada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM