Somaliland: Aqalka gudoomiyaha gobolka Sool oo la weerarey

Image

LASCANOD- Dablay hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsanayn goor dambe oo habeennimadii xalay ahayd soo weerartay aqalka uu magaalada Lascanod ka deggen yahay guddoomiyaha gobolka Sool Md. Mustafe Cabdi Ciise Shine.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo deegaankaasi kooxda dablayda oo aan tiradooda la aqoon, ayaa waxa ay rasaas culus isweydaarsadeen ilaalada guddoomiyaha, balse ma jiraan wax khasaare nafeed ah oo dhinacyadaas gaadhay.  

Warku waxa uu intaas ku daraya inuu guddoomiyuhu guriga ka maqnaa xilliga weerarkaasi dhacayey, isagoo ku sugan caasimadda Somaliland ee Hargeysa. 

Guddoomiye Shiine, ayaan wali ka hadlin weerarka la sheegayo in gurigiisa lagu qaaday, waxase xusid mudan in ciidamada ammaanku wadaan baaritaanno lagu raadinayo kooxdii hubaysnayd ee aqalka weerartay oo aan wali wax tibaax ah laga haynin.  

Ma aha markii ugu horraysay ee kooxo hubaysani goor habeennimo ah weeraraan aqallada masuuliyiinta Somaliland kuleeyihiin gudaha magaalada Lascaanood, waxana dhawaan weerar gaadmo ah xilli habeen ah lagu dilay nin ay walaalo ahaayeen xildhibaan ka tirsan golaha baarlamaanka Somaliland oo xilligaas Lascanood ku sugnaa. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM