​Somaliland: Barlamanka oo ansixiyay hishiiska DP World

Image

HARGAYSA, Somaliland- Waxaa saaka lasoo afmeerayay doodda Barlamanka Somaliland ee ku qotontay hishiiska xukuumadda uu hogaamiyo Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo la gashay shirkad Imaaraad ah oo lagu magacaabo DP World.

Hishiiska labada dhinac oo qeexaya in la ballaarinyo dekedda Berbara ayaa waxaa la horgeeyay golaha wakiillada 06 Augusto ee sannadka iyadoo doodiisu bilaabay shalay.

Barlamanka ayaa ugu dambayn maanta go'aan ka gaaray, waxayna cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen hishiiska labada dhinac.

Kulanka oo ay joogeen 74 mudane ayaa waxaa ogolaatay 69 Xildhibaan, waxaa diiday Afar kale iyadoo uusan coddayn Guddoomiyaha Barlamanka Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo kulanka shir Guddoominayay.

Hishiiska ayaa sidaas ku meelmarayay iyadoo horay usoo ansixiyeen golaha xukuumadda Somaliland.

Aragtiyo kala duwan ayaa qorshahan ka qabaan dadka reer Saaxil, waxaana tan iyo markii la billaabay hishiiskan magaalada Berbara ka dhacayay mudaharaadyo kala duwan kuwaasoo looga soo horjeedo in lagu wareejiyo Dekaddan shirkadda DP World oo qaadan doonta 60% kharashka soo xarooda marka la dayactiro.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM