Somaliland: Beesha Caalamka dib ha uga fiirsato aqoonsiga Dowladda Soomaaliya

Image
Maamulka Hargeysa ayaa ku sacan sayray amarada kasoo baxay xukuumada Muqdisho, ugana digaya shirkadaha degaanada maamulkaas in ay u hogaansamaan.

HARGEYSA, Somaliland - Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed ayaa Ku Gacan Saydhay Awaamiirta Ka Soo Baxday Dawlada Dhexe Ee Soomaaliya, ugana digaya shirkadaha degaanada maamulkaas in ay u hogaansamaan.

Wasiirka ayaa ku tilmaamay warqada dowladda Soomaaliya mid cadeyneysa habacsanaanteeda iyo awood la’aanteeda, isagoo caddeeyay in soo saarista warqadahaasi ay tahay waxa kaliya ee u harsan.

Wasiir Cali Mareexaan ayaa ku nuux nuuxsaday in Somaliland aysan saameyn ku yeelan doonin amarada aan la fulin karin ee ka imaanaya Muqdisho. Waxa uu shacabka xasuusiyay in shacabka Somaliland ay hore ugu dul-qaateen oo ay ka badbaadeen "duqeymaha iyo xasuuqii uu gaystay taliskii Siyaad Barre".

Wasiirka Warfaafinta Somaliland waxa kale oo uu tilmaamay in beesha caalamku ay hadda dib uga fiirsanayaan inay aqoonsadaan "dawladdan taagta daran, taasoo gabi ahaanba ku fashilantay hawshii loo igmaday ee ahayd in la kordhiyo dhawrka KM oo isku wareeg ah oo ay ciidamada Midowga Afrika ee Muqdisho ku sugan yihiin".

Ugu dambayntii waxa uu wasiir Cali Mareexaan uga digay shirkadaha xawaaladaha inay u hoggaansamaan amarka Muqdisho, isagoo sheegay in shirkaddii ku kacdaa ay gef weyn ka geysan doonto lixda milyan ee shacabka Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM