Somaliland: Beesha Caalamka dib ha uga fiirsato aqoonsiga Dowladda Soomaaliya

Image
Maamulka Hargeysa ayaa ku sacan sayray amarada kasoo baxay xukuumada Muqdisho, ugana digaya shirkadaha degaanada maamulkaas in ay u hogaansamaan.

HARGEYSA, Somaliland - Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed ayaa Ku Gacan Saydhay Awaamiirta Ka Soo Baxday Dawlada Dhexe Ee Soomaaliya, ugana digaya shirkadaha degaanada maamulkaas in ay u hogaansamaan.

Wasiirka ayaa ku tilmaamay warqada dowladda Soomaaliya mid cadeyneysa habacsanaanteeda iyo awood la’aanteeda, isagoo caddeeyay in soo saarista warqadahaasi ay tahay waxa kaliya ee u harsan.

Wasiir Cali Mareexaan ayaa ku nuux nuuxsaday in Somaliland aysan saameyn ku yeelan doonin amarada aan la fulin karin ee ka imaanaya Muqdisho. Waxa uu shacabka xasuusiyay in shacabka Somaliland ay hore ugu dul-qaateen oo ay ka badbaadeen "duqeymaha iyo xasuuqii uu gaystay taliskii Siyaad Barre".

Wasiirka Warfaafinta Somaliland waxa kale oo uu tilmaamay in beesha caalamku ay hadda dib uga fiirsanayaan inay aqoonsadaan "dawladdan taagta daran, taasoo gabi ahaanba ku fashilantay hawshii loo igmaday ee ahayd in la kordhiyo dhawrka KM oo isku wareeg ah oo ay ciidamada Midowga Afrika ee Muqdisho ku sugan yihiin".

Ugu dambayntii waxa uu wasiir Cali Mareexaan uga digay shirkadaha xawaaladaha inay u hoggaansamaan amarka Muqdisho, isagoo sheegay in shirkaddii ku kacdaa ay gef weyn ka geysan doonto lixda milyan ee shacabka Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xildhibaan Maxamed Abiib oo lagu xiray magaalada Hargeysa

Sababta rasmiga ah ee loo xiray Abiib ayaan la ogayn. Abiib ayaa si bareer ah u dhaliila maamulka Madaxweyne Muuse Biixi.

  • Somaliland

    02-09-2024

  • 04:37PM

Biixi: Xasan Sheekh waa nin naftiisa hafraya, ajnabi baa ilaaliya

Madaxweynaha Somaliland ayaa weerar afka ah ku qaadey hogaamiyaha Soomaaliya.

  • Somaliland

    26-08-2024

  • 03:08PM