​Somaliland- Booliiska Saylac oo xiray 10 Xildhibaan

Image

SAYLAC, Somaliland- Ciidanka booliska maamulka Somaliland ayaa maanta xabsiga dhigay illaa 10 xildhibaan oo ka tirsan Golaha Deegaanka degmada Saylac.

Xildhibaanada ayaa la xiray xilli ay joogeen xafiiskooda shaqada, waxaana ku jiray Guddoomiyihii golaha deegaanka Saylac.

Lama oga sababta xariga keentay, balse waxaa loo badinayaa inay la xariirto khilaaf soo kala dhex galay Xildhibaanada iyo Guddoomiyahoodii hore ee ay xilka ka tuureen.

Cabdikarin Aw-Aadan Kibaar, oo kamid ah Xildhibaanada Saylac, ayaa saxaafadda u sheegay in xariga Xildhibaanada Golaha Deegaanka Saylac uu ka danbeeyo madaxweyne ku xigeenka maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo uu ku eedeeyay inuu isagu faragalin ku hayo hawlaha Golaha Deegaanka Saylac.

Khilaafka ka dhex taagan Golaha Deegaanka Saylac ayaa la sheegayaa inuu ku saleysan habka maamulka iyo dakhliga, iyadoo madaxweyne ku xigeenka la sheegayo inuu ka horjeestay in xildhibaanada ay ku dhaqaaqaan ceyrinta Duqa Magaalada Saylac.

Xildhibaanada tobanka ah ayaan la ogeyn in maxkamad la geyn doono haddiiba eedeyn lagu hayo, iyo inta uu qaadan doono xarigooda.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay maamulka Somaliland oo ku aadan Xariga Xildhibaanada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM