​Somaliland "Cid nagu matasha majirto doorashada Somalia"

Image

HARGAYSA, Somalia- Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay doorashada la filayo in dalka Somalia ka dhacdo dabayaaqada sannadkan aan ku jirno ee 2016, kadib markii madasha wadatashiga laga soo saaray go'aamo taabanaya maamulkaasi gaar ahaan xubno ay ku yeelanayaan Aqalka sare.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dabadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo waraysi siinayay BBC-da ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay doorashada Somalia iyo loo nisbeeyo maamulka Somaliland oo ku tilmaamay dal madax bannaan islamarkaana Jaar ah la ah Somalia.

"Somalia iyo Somaliland waa labo wadan oo jaar ah, cid nagu matasha ma jirto Doorashooyinka ka dhacaya Somalia, horayna waanu u sheegnay, haddana waan ku celinaynaa, Arrimaha geeddi-socodka Siyaasadda Soomaaliya wax innaga na quseeya ma ahan," Ayuu yiri Wasiir Sacad.

Sacad ayaa xusay in Somaliland doorasho ka dhici doonto sannadka soo socda sidaas awgeed aysan caqli gal ahayn in la yiraahdo waxaa ka qayb galaysa Somalia isagoo si cad u sheegay inaysan jiri doonin cid maamulkooda katirsan oo doorashadaasi ku matasha.

Wuxuu xusay in mandiqadda ka jiraan labo dal oo kala go'ay 25 sano ka hor sidaasi owgeed la muujiyo daris-wanaag iyo is-xaqdhowr.

Arrintan ayaa kusoo  beegamaysa xilli bisha Octobar la filayo in dalka Somalia ka dhacdo doorashada madaxtinimo, waxaana kuraasta Aqalka sare lagu daray maamulka Somaliland oo sheegta inuu ka go'ay Somalia inteeda kale waloow aysan ilaa hadda helin ictiraaf.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM