Somaliland: Doon u rarnayd ganacsade oo dab qabsaday

Image
Khasaarahaan hantiyeed ayaa ku soo aadaysa iyada oo aan weli laga soo ka ban dhacdadii Suuqa Waaheen

HARGEYSA, Somaliland – Doon ka soo shiraacatay magaaladda Cadan ee dalka Yemen una rarneed ganacsade Rashiid Ibraahin Ciise ayaa dab xoogan  qabsaday, xilli ay ku soo jeeday dekedda Berbera ee Somaliland sida ay mid ka mid howl wadeeno ka tirsan dekada Berbera u sheegeen Garowe Online.

Doonida oo gabi ahaan gubatay ayaa sidoo kale biyo ay soo galeen, kadibna sidaasi ay ku degtay, iyadoo ay dhammaan ku baaba’day hantidii saarneyd.

Miilkiilaha doonida oo la hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay in dhacdadan ay dhacday Isniintii xilli maqrib ah, wuxuuna tilmaamay in isku dayo la sameeyey aan lagu guuleysan.

"Waxay 6:00 PM abaaro afuradii Yementa ayay kasoo baxday magaalada Cadan, iyada oo kusoo jeeda dekedda Berbera, doonta dab ayaa qabsaday, Yemen ayaanu la xidhiidhnay si loo bad baadiyo ka bacdi markaanu qayla dhaanta ka helnay doonta in ay gubanayso," ayuu yiri isaga oo hadalkiisa ku daray "Way isku dayeen in ay doonta bakhtiiyaan lakin dabkii wuxuu gaadhay xaga hoose, taasina waxay kaliftay in ay biyihii soo galaan marka way dagtay".

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in doonidu ay sidday bagaash kala duwan oo iskugu jira caano, subag iyo alaabooyin kale.

Hantida saarneyd ayuu sidoo kale qiimo ahaan ku sheegay 20,000 oo kartoon oo subag ah, 7000 oo kartoon oo Caano Yemeni ah, 5000 oo kortoon oo ahaa fiinto iyo alaabooyin kale".

"Doonta iyo xoolaha saaranba Somaliland ayaa laga leeyahay, doonta waxa lahaa anigaygan kula hadlaya ee Cali Ducaale ah, xoolaha saarana waxaa lahaa ganacsade Rashiid Ibraahin Ciise oo Somalilander ah, hantida doonta saarnayd waa, 20,000 oo kartoon oo subag ah, 7000 oo kartoon oo Caano Yemeni ah, 5000 oo kortoon oo ahaa fiinto iyo alaabooyin kale," ayuu markale yiri Cali Ducaale milkiilaha doonida burburtay.

Khasaarahaan hantiyeed ayaa ku soo aadaysa iyada oo aan weli laga soo ka ban dhacdadii Suuqa Waaheen oo dabkii ka kacay ay ku hanti beeleen ganacsata fara badan oo reer Somaliland ah taas oo lagu qiyaasay 2 Bilyan oo doollar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Itoobiya oo xiray xadka maamulka Somaliland

Talaabadan ayaa timid kadib iska horimaad xooggan oo ka dhacay degmada Xarshin.

  • Somaliland

    25-12-2024

  • 08:51AM

Madaxwayne Cirro oo gudoomiyay shirkii koowaad ee xukuumadiisa

Madaxtooyadda Somaliland ayaa kulankan waxay ku qeexdey isbarahso iyo qeybinta hagaha xukuumadda.

  • Somaliland

    15-12-2024

  • 12:54PM