​Somaliland: Gudoomiyaha guurtida oo ka hadlay Ictiraafka

Image

HARGAYSA-Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka hadlay ictiraaf la’aanta haysata Somaliland, wuxuuna tilmaamay inuu gaabis badani jiro maadama muddo  rubuc qarni ku dhaw wali la sugayo.

Saleebaan oo hadal ka jeediyay fadhi  uu golihiisu yeeshay, ayaa  sheegay in caalamku ka dhego adaygayo inay Somaliland u aqoonsadaan dal madax banaan, isagoo magac-dhabay dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska oo uu xusay inay arrintaas diidan yihiin.

“Dawlado waaweyn ayaa inaga soo horjeeda sidii hore, khusuusan Maraykanka iyo Ingiriiskaa inoogu dhego adag, afka waxba ka dhawri maayo, way inagu dhego adagyihiin. Bal guddidaana aan la shaqayno, xuuumadda iyo ciddii ay diraysaba diyaar inaan u noqono waa lagama maarmaan,”Ayuu yiri Guddoomiye Saleebaan Maxamuud.

Gudoomiyaha Guurtida Somaliland ayaa soo jeediyey in garab la siiyo guddiga Ictiraaf  raadinta ee dhawaan madaxweyne Siilaanyo magacaabay, isagoo hoosta ka xariiqay inuu rajo ka qabo shaqada ay qaban doonaan.

Somaliland waxa ay sanadkii 1991-kii shaacisay inay Somalia inteeda kale ka go’day, ilaa iyo  haatanna wali ma jirto dawlad si rasmi ah u aqoonsatay, waxase xusid mudan inay dhisatay nidaam dawli ah oo nabadgelyo iyo horumar badan u horseeday.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM