Somaliland: Hishiiska DP World oo Barlamanka loo gudbiyay

Image

HARGAYSA, Somaliland- Xukuumadda Somaliland ayaa maanta golaha wakiiladda maamulkaasi horgaysay hishiiska lagu ballaarinayo Dekadda Berbara ee ay dhawaan la galeen shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka ee DP World.

Golaha ayaa waxaa hishiiska u gudbiyay guddiga loo xirsaaray arrimaha Dekadda ee kala ah; Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Madaxtooyada, Warfaafinta, Qorshaynta iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka.

Fadhiga Barlamanka oo ay soo xaadireen badi Xildhibaanada ayaa saaka ka duwanaa kulamadoodii hore, waxaan muuqatay in arrintan tahay xasaas oo Xildhibaanada si gooni ah ayay u faqayeen.

Kulankan waxaa shir guddoominayay Guddoomiayaha golaha Wakiiladda Somaliland oo dhinac fadhiyaan labadiisa ku xigeen, waxayna warbixin kooban ka dhagaysteen Guddiga hishiiska soo gudbiyay.

Dhagaysiga kadib Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku dhawaaqay inay soo akhrisan doonaan islamarkaana ka doodi doonaan maalmaha soo socda kadibna u qaadi doonaan cod gacantaag ah sii loo ansixiyo ama loo celiyo.

Hishiiskan ayaa waxaa horay usoo meel-mariyay golaha xukuumadda Somaliland iyadoo gudbintiisa Barlamanka kusoo beegmayo xilli khilaaf xooggan kajiro maalgashiga DP World ee Dekadda Bebara xarunta gobolka Saaxil.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM