Somaliland: Hishiiska DP World oo Barlamanka loo gudbiyay

Image

HARGAYSA, Somaliland- Xukuumadda Somaliland ayaa maanta golaha wakiiladda maamulkaasi horgaysay hishiiska lagu ballaarinayo Dekadda Berbara ee ay dhawaan la galeen shirkad laga leeyahay dalka Imaaraadka ee DP World.

Golaha ayaa waxaa hishiiska u gudbiyay guddiga loo xirsaaray arrimaha Dekadda ee kala ah; Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Maaliyadda, Madaxtooyada, Warfaafinta, Qorshaynta iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Imaaraadka.

Fadhiga Barlamanka oo ay soo xaadireen badi Xildhibaanada ayaa saaka ka duwanaa kulamadoodii hore, waxaan muuqatay in arrintan tahay xasaas oo Xildhibaanada si gooni ah ayay u faqayeen.

Kulankan waxaa shir guddoominayay Guddoomiayaha golaha Wakiiladda Somaliland oo dhinac fadhiyaan labadiisa ku xigeen, waxayna warbixin kooban ka dhagaysteen Guddiga hishiiska soo gudbiyay.

Dhagaysiga kadib Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku dhawaaqay inay soo akhrisan doonaan islamarkaana ka doodi doonaan maalmaha soo socda kadibna u qaadi doonaan cod gacantaag ah sii loo ansixiyo ama loo celiyo.

Hishiiskan ayaa waxaa horay usoo meel-mariyay golaha xukuumadda Somaliland iyadoo gudbintiisa Barlamanka kusoo beegmayo xilli khilaaf xooggan kajiro maalgashiga DP World ee Dekadda Bebara xarunta gobolka Saaxil.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM