Somaliland iyo Taiwan oo wakiilo is-dhaafsaday xilli uu Shiinaha u digay

Image

HARGEYSA, Somaliland – Somaliland iyo Taiwan oo todobaadkii hore shaaciyey in ay kala saxiixdeen heshiis is-dhaafsi xafiis wakiileed ayaa lagu waramay in ay magacaabeen madaxdii u fadhiisan lahayd.

Lou Chen-hwa oo horey u soo noqdey wakiilka Taiwan ee Sacuudiga ayaa loosoo wareejin xafiiska cusub ee Hargeysa, halka xukuumadda Somaliland ay Maxamed Xaaji ka dhigatay wakiilkeeda maamulka Taipei.

Maxamed Xaaji ayaa la sheegay in uu adeer u yahay madaxweynaha maamulka gooni u goosadka ah Somaliland, Muuse Biixi Cabdi.

Taiwan oo sheegata in ay tahay dowlad madax-banaan ayaa xiriir rasmi ah la leh 15 dal, balse Shiinaha oo u aqoonsan Jaziirad ku taala dhulkiisa wuxuu uga digaa dowladaha caalamka in ay xiriir la yeeshaan.

Somaliland ayaa 1991-dii ku dhawaaqdey in ay ka go'dey Soomaaliya inteeda kale, balse wuxuu caalamka u aqoonsan yahay maamul goboleed si toos ah u hoostaga xukuumadda fadhigeedu yahay Muqdisho.

Xukuumadda Beijing oo si toos ah uga falcelisay iskaashiga Somaliland iyo Taiwan ayaa maamulka Biixi uga digay talaabadaas.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaanan wali ka hadlin wadashaqeynta ay labada dhinac isku afgarteen maalmo kadib wadahadalada dib uga bilowday magaala madaxda Jamhuuriyadda dalka Jabuuti.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM