Somaliland oo aan cayrin doonin Nile Academy

Image

HARGAYSA, Somaliland- Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay inaysan deegaanadeeda ka mamnuuci doonin hay'adda Turkish-ka ah ee Nile Academy iyadoo tilmaamtay inaysan wax dambi ah ka galin maamulkaasi.

Wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa warbaahinta u sheegay in hay'addaasi oo xarun ku leh magaalada Hargaysa shaqadooda sii wadan doonto islamarkaana aanay mamnuuci doonin.

Sacad Cali Shire, ayaa tilmaamay in hadii Nile Academy dambi gali lahayd maxkamadda sare kusoo oogi lahayd eedaha loo haysyto, waxuuna xusay inay u madax-bannaanyihiin shaqadooda.

Hadalkan wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa kusoo beegmay xilli xukuumadda Somalia u hogaansatay dalab ka yimi madaxweynaha dalka Turkiga kaasoo codsaday in waddanka laga saaro hay'addaas oo uu leeyahay nin loo haysto afgambigii dhicisoobay ee dhawaan ka dhacay waddanka Turkiga.

Xukuumadda Somalia ayaa mamnuucday dhammaan shaqadii Nile ka haysay magaalada Muqdishu iyadoo shaqaalihii ka howlgali jiray loo qabtay muddo 7 casho ah inay dalka kaga baxaan.

Somaliland ayaa sheegata inay tahay dal kamadax bannaan Somalia, waloow aysan wali helin aqoonsi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM