Somaliland oo amarro soo saartay

Image

HARGEYSA- Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa shaacisay in marka la gaaro 11-bishan May ee sanadka 2016-ka ciidamada kala duwan ee ammaanka ku shaqada leh la faray inay si weyn u baaraan dadweynaha iyo gaadiidka gudaha Somaliland ku sugan.

War qoraal ah oo ay wasaaraddu soo saartay, ayaa lagu sheegay in ciidamada Booliska, kuwa laanta socdaalka iyo kuwa sirtoonkaba la faray inay u diyaar garoobaan baaritaan dheeri ah oo ay ku sameeyaan dadka iyo gaadiidkaba si loo kaantaroollo dhaqdhaqaaqa dadka ajaanibka iyo muwaadiniinta .

Ciidamada wax baari doona ayaa la sheegay inay dadka weydiin doonaan kaararka aqoonsiga muwaadinimo iyo kuwa ajaanibka ahba, iyadoo haatan loo diyaar garoobayo munaasibadda 18-ka May oo Somaliland si weyn looga xuso.

Shacabka ayaa la faray inay u diyaar garoobaan baadhitaankaas ciidanku samayn doonaan si ammaankooda loo xaqiijiyo.

Somaliland waxa ka socda diyaargarow ballaaran oo ku saabsan xuska 18- ka May oo ku beegan 25-sano guuradii kasoo wareegtay xilligii ay ku dhawaaqday madax bannaannideeda, waxana la filayaa in bandhigyo kala duwan lagu qabto Hargaysa iyo goobo kale.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM