Somaliland oo awaamiir cusub kusoo rogtey warbaahinta maxaliga

Image
Wasaaradda warfaafinta maamulka gooni-isu-taagga ah ayaa soo saartey amaradan.

HARGEYSA, Somaliland - Wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa Sabtida maanta ah waxay awaamiir kusoo rogtey warbaahinta ka howlgasha degaanada maamulkaas gooni-isu-taagga ah.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu sheegay in amarkan uu khuseeyo qaybaha kala duwan ee Warbanhinta - maqal iyo muuqaal.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in ay mamnuuc yihiin in la baahiyo doodaha iyo wareysiyadda xambaarsan ariimaha liddigu kuah Diinta Islaamka, anshaxa ummadda ¡yo dhaqanka soo jircenka ah.

Qodobada la mamnuucay ayaa kala ah;

1. Doodaha, wareysiyadda iyo warbixinaha dhiirigalinaya caasi-waalidiinka

2. Doodaha, wareysiyadda iyo warbixinaha meel ka dhaca ku ah karaamada iyo sharafka huweenka iyo qoyska

3. Doodaha, wareysiyadda iyo warbixinaha meel ka dhaca ku ah karaamada shakhsiga

4. Doodaha, wareysiyadda ¡yo warbixinaha abuuri kara khilaaf-diineed horleh

"Hadaba, wasaaradda warfaafinta waxay ku adkaynaysaa warbanhinta in ay ka waantoobaan baahinta arrimahaasi baal-marsan dhaqanka suuban, iyada oo talaabo laga qaadi doono ciddi ku kacda arrimahaasi," ayaa lagu soo xiray qoraalka.

Amarkan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli bilooyin kahor uu baraha bulshadda qabsadey muuqaalka gabar uu wareystey telefishin maxali ah taasoo u geysay qoyskeeda gaar ahaan hooyadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM