Somaliland oo beenisay kulanka ganacsade Cabdiraxman Boore

Image

HARGEYSA- Madaxtooyada Somaliland, ayaa markii ugu horraysay ka hadashay warar soo baxayey oo sheegayey in Cabdiraxmaan Boore oo ah siyaasi mucaarid ku ah xukuumadda dalka Djibouti ee uu hoggaamiyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle  kulan rasmi ah magaalada Dubai kula yeeshay waftigii madaxweyne Siilaanyo.

Wasiirka madaxtoooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo waftiga madaxweynaha kamid ahaa oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa meesha ka saaray kulan rasmi ah oo uu siyaasigan la qaatay waftigaas, waxase uu ka marag kacay inuu jirey kulan bariido ah.  

Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu sidoo kale meesha ka saaray warar soo baxayey oo sheegayey in siyaasiyiin tiro badan oo ay kamid yihiin Cabdiraxmaan Boore iyo waliba Cabdiraxmaan Faroole ay kasoo qaybgeli doonaan xuska munaasibadda 18May oo maalmaha soo socda laga qaban doono gebi ahaanba Somaliland.

“annagu wax xidhiidh ah lama  lihin Cabdiraxmaan Boore, heshiisna lama aanu geline cidda aanu wax la galnay waa shirkadda DPWorld, bariidona wuu noola yimi, isaguna noolama iman wax xumaan ah oo ku wajahan walaaladeen Djibouti, kamana filayno, wararka sheegaya inuu Cabdiraxmaan Boore, Cabdiraxmaan Faroole iyo Sheekh Shariif halkan lagu casuumayna waxba kama jiraan," ayuu yiri wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi.   

Kulanka la sheegayo in waftiga madaxweynuhu kulan la qaateen siyaasi Cabdiraxmaan Boore, ayaa shaki weyn geliyey xiriirka ay Somaliland la lahayd dalka Djibouti.

Cabdiraxman Boore oo ganacsade xiriir wacan la leh shirkada DP World ayaa kasoo muuqdey sawirada heshiis dhowaan wada galeen Somalaliland iyo shirkad laga Dubai.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM