Somaliland oo beesha caalamka u jeedisay eed la xiriirta wadahadalka DF

Image

NAIROBI, Kenya – Beesha Caalamka ayaa ku fashilantay in ay kula xisaabtanto Dowladda Soomaaliya fulinta heshiisyadii hore ee ay la gashay Somaliland, sidda uu sheegay Baashe Cumar, wakiilka maamulkaas ee Kenya.

Baashe, oo wareysi gaar ah siiyey Garowe Online, ayaa rumeysan in talaabadaas ay muujineyso in caalamka aysan ka go'neyn in wadaxaajoodyaddu noqdaan kuwa miradhal ah oo go'aano masiiri ah kasoo baxaan.

Sidda laga soo xigtay Beeshe, heshiisyadii hore waxay ka dhaqan-geli waayeen dhanka dowladda federaalka, waxaana arrintaas ay su'aal gelineysaa in ay fulayaan heshiisyadda lagu gaaro wadahadalada haatan socda.

"Fashilka Beesha Caalamka ee ah in aysan maamulka Soomaaliya kula xisaabtamin wadahadalada Somaliland waxay muujineysaa in aysan ka go'neyn," ayuu yiri. "Si ay horey ugu sii socdaan wadaxaajoodyadda, waa in la helaa hab lagula xisaabtamayo Soomaaliya si loo fuliyo qodobada lagu heshiiyo".

Guul laga gaaro wadahadalka ayuu caddeeyay in ay ku xiran tahay ka go'naanshiyo laga helo Beesha Caalamka "si loo xaqiijiyo in natiijada wadahadalada ay noqonayaan kuwa la fulin doono".

Wadahadalada hadda socda ayaa bishii hore ka furmay dalka Jabuuti kadib markii ay soo qaban-qaabiyeen Itoobiya iyo xukuumadda Ismaaciil Cumar Geelle isla markaana uu korjoogto ka ahaa safiirka Mareykanka, Yamamota.

Hogaamiyeyaasha dhinacyadda ayaa waxay ka dhawaajiyeen in hadafka shirka Jabuuti in uu yahay si loo helo hanaan mustaqbalka ay si fool ka fool ah iyadoo aysan cidna ku dhex-jirin ay madaxda u kala garnaqsan lahaayeen.

Dowladda Puntland oo xuduud la leh Somaliland isla markaana uu khilaaf dhul iyo maamul uu kala dhaxeeyo ayaa qaadacday wadahadalada, iyaddoo carabka ku adkeysay in aysan ogolaan doonin maxsuul kasta oo kasoo baxa.

Somaliland ayaa 1991-dii ku dhawaaqdey gooni isu taag, balse tan iyo waqtigaas wuxuu caalamka u aqoonsan yahay maamul hoostaga Muqdisho.

Wadahadalada ka furmay dalka Jabuuti ayaa noqonaya kii 8aad oo labada daraf ay yeeshaan, waxaana kuwii hore u dhacay aysan kasoo bixin qodob xalinaya qadiyada ugu weyn, waana mida keentay in ay dhaliilaan dad badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM