Somaliland oo cafisay shakhsiyaad ku sugan Muqdishu [Daawo]

Image

HARGAYSA, Somaliland- Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa maanta cafis u fidiyay shakhsiyaad horay looga mamnuucay inay tagaan deegaanada maamulkaasi kadib markii lagu eedeeyay khayaano qaran.

Shakhsiyaadkan la saamaxay ayaa isugu jira siyaasiyiin iyo madax dhaqameed, waxaana loogu baaqay inay imaan karaan dhulkooda.

Go'aanka xukuumadda Somaliland ayaa waxaa ku dhawaaqay wasiirka wasaaradda warfaafinta Cismaan Cabdullaahi Saxardiid, wuxuuna sheegay in dowladdu ka noqotay go'aankii  hore iyadoo eegaysa wadciga lagu jiro.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray in xukuumaddu diyaar latahay haddii ay u baahdaan gaadiid iyo qorshe kasta oo ay ku imaan karaan dalkooda.

Arrinta wadahadalka Somaliland iyo Khaatumo ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna sheegay in wada-xaajoodka kadib qaban doonaan shir-weyne u dhaxeeya dadka gobolladaasi daga isagoo ugu baaqay in dantu ugu jirto maamulka fadhigiisu yahay magaalada Hargaysa.

Hishiiska Berbera ayuu soo hadal qaaday, wuxuuna wasiir Caddaani u mahad-celiyay Barlamanka Somaliland isagoo ku ammaanay sida midnimada leh ee ay u ansixiyeen hishiiskaas.

Arrintan ayaa lagusoo beegay xilli odoyaal iyo siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada Somaliland ka biyo diideen go'aamadii kasoo baxay madasha wadatashiga.

Somaliland ayaa horay u shaacisay inay ka go'day Somalia inteeda kale walow aysan ilaa hadda helin aqoonsi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM

Cirro oo taageeray Trump in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel Peace Prize

Madaxweyne Irro waxa uu sidoo kale soo dhaweeyay warqad furan oo uu Senatarka Mareykanka ah Ted Cruz u diray Trump.

  • Somaliland

    24-08-2025

  • 12:14PM