Somaliland oo diidey lacagihii dowlada Federaalka ku bixineysay abaaraha

Image

HARGEISA- Somaliland waxay diiday lacagtii abaaraha loogu talagalay ee dowladda Federaalka Soomaaliya maamulada u qeybisay lacagtaasi oo dhan  $200,000

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cadaani oo ka hadlayey go'aamadii kasoo baxay shirkii golaha wasiirada ee Somaliland ay maanta yeesheen, wuxu sheegay in kulanka lagu go'aansaday in aan la qaadan lacagtaasi.

Wasiir Cadaani wuxu yiri  "Shirka ayaa lagu gudoomiyay in aan la aqbalin lacagta 200,000$ ah ee dawlada aynu jaarka nahay ee Soomaliya tidhi waxaan ugu deeqay maamul goboleedyada Soomaaliya oo aanay Jamhuuriyada Soomaaliland kamid ahayn waxaanu sheegayaa in Somaliland tahay dal madaxbanana.”.

Wasiirka oo sii hadlayey wuxuu ugu baaqay ummadda Somaliland in la laga dhiidhiyo wax uu ku sheegay quudhsiga Soomaaliya ay wado.

Dowlada Somaliland ayaa horey u diidey iney ka qayb gasho shirkii madaxda Somalida loogu qabtey dalka Ingriiska magaaladiisa London.

Jaamac Deprani+ GAROWEONLINE 

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM