Somaliland oo diidey lacagihii dowlada Federaalka ku bixineysay abaaraha

Image

HARGEISA- Somaliland waxay diiday lacagtii abaaraha loogu talagalay ee dowladda Federaalka Soomaaliya maamulada u qeybisay lacagtaasi oo dhan  $200,000

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cadaani oo ka hadlayey go'aamadii kasoo baxay shirkii golaha wasiirada ee Somaliland ay maanta yeesheen, wuxu sheegay in kulanka lagu go'aansaday in aan la qaadan lacagtaasi.

Wasiir Cadaani wuxu yiri  "Shirka ayaa lagu gudoomiyay in aan la aqbalin lacagta 200,000$ ah ee dawlada aynu jaarka nahay ee Soomaliya tidhi waxaan ugu deeqay maamul goboleedyada Soomaaliya oo aanay Jamhuuriyada Soomaaliland kamid ahayn waxaanu sheegayaa in Somaliland tahay dal madaxbanana.”.

Wasiirka oo sii hadlayey wuxuu ugu baaqay ummadda Somaliland in la laga dhiidhiyo wax uu ku sheegay quudhsiga Soomaaliya ay wado.

Dowlada Somaliland ayaa horey u diidey iney ka qayb gasho shirkii madaxda Somalida loogu qabtey dalka Ingriiska magaaladiisa London.

Jaamac Deprani+ GAROWEONLINE 

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM