​Somaliland oo diiwaangalin ka bilowday Sanaag

Image

CEERIGAABO- Diiwaangelinta codbixiyayaasha, ayaa si rasmi ah ugu bilaabantay gobolka Sanaag oo ah gobolkii shanaad ee hawshaas laga hirgeliyo, waxana loo asteeyey 206-goobood in shacabka laga diiwaangeliyo.

Afhayeenka guddida doorashooyinka Somaliland Siciid Cali Muuse, ayaa sheegay inaanay diiwaangelintu ka wada qabsoomi doonin gobolka Sanaag, isagoo tilmaamay in deegaanno kamid ah Bariga gobolkaas, aanay agabka diiwaangelinta geyndoonnin, wuxuuna sababta ku sheegay in abaaro jira awgood dadkii ka hayaameen.

Degmooyinka Badhan iyo Dhahar ayaa kamid ah meelaha aanay diiwaangelintu ka dhici doonin, waxana maalmihii ugu dambeeyey guud ahaanba gobolka sanaag joogay waftiyo kasocda axsaabta siyaasadeed ee Somaliland, guddida diiwaangelinta iyo ururrada bulshada isku jira, waxana lagu wada in diwaangelintu socon doonto muddo bil ah.

Diiwaangelinta codbixiyayaasha Somaliland, ayaa si habsami ah uga soo qabsoontay shan gobol oo hore, waxana 30 bari ka gadaal lagu wadaa inay ka bilaabanto gobolka Sool oo isagu noqon doona midka ugu dambeeya.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM