​Somaliland oo joojisay xuska 18 May ee Sannadkan

Image

HARGAYSA, Somaliland- Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay inuu hakiyay sannadkan fantisiyihii lagu xusi jiray 18 May oo ah markii uu maamulkaasi ka go’ay Somalia inteeda kale.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Somaliland, Cusmaan Cabdullaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa warbaahinta u sheegay in xukuumaddu joojisay in loo dabaal dago 18 May dal iyo dibad ba.

Sababta ayuu ku sheegay abaaraha ka jira deegaanada Somaliland, wuxuuna cadeeyay in kharashaadkii ku bixi jiray munaasabadahaas loo wareejiyay dhinaca Gurmadka abaaraha.

Qurba joogta iyo waliba dadka kale ee dhigi jiray dabaal dagyada lagu maamuusayo maalintan ku salaysan gooni isu taagga Somaliland, ayuu wasiir Caddaani usoo jeediyay inay u badalaan dhinaca taakulada dadka abaaraysan.

Wuxuu ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii Qaaraan loogu aruurin lahaa dadka dhiban ee wali abaartu ku hayso qaybo kamid ah Somaliland.

Golaha Xukuumadda ayaa ku kala aragti duwanaa muddooyinkii dambe Arrimaha ku saabsan xuskan, waxaana Madaxweyne Siilaanyo uu soo bandhigay in la joojiyo halka golaha qaybtood ay kasoo horjeesteen.

Balse Xukuumadda Somaliland ayaa isku raacday in la joojiyo xuska si wax looga qabto abaaraha ka jira deegaanada maamulkaas.

Xuskan in la qabto ayaa bilowday kadib markii 1991 Somaliland  qaadatay go’aan ay kaga baxday Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM