Somaliland oo ka hadashay aaska Garaad Abshir Garaad Saalax

Image

HARGEYSA- Dawladda Somaliland, ayaa ka hadashay qabanqaabada aaska marxuum Garaad Abshir Garaad Saalax oo dhawaan lagu aasi doono degmada Widhwidh iyo doorka ay ku yeelan doonto.

Wasiirro xukuumadda ka tirsan oo uu hoggaaminayo wasiirka warfaafinta ayaa shir jaraa’id ay qabteen meesha kaga saaray warar soo baxayey oo sheegayey in xukuumaddu dabada ka riixayso beddelaad lagu samaynayo goobta marxuumka lagu aasi doono oo ah degmada Widhwidh.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Cismaan Cabdilaahi Saxardiid Caddaani oo halkaas ka hadlay, ayaa si cad u sheegay in ammaanka goobta aasku ka dhacayo ay ciidamada Somaliland mas'uul ka yihiin, isagoo ka digey inay hub lasoo gasho cid aan Ciidanka Somaliland aheyn degaankaas.

"Reerka uu ka dhashay marxuumku aaska way kasoo qaybgeli karaan, xataa kuwa sheeganaya Khaatumo, laakiin cid aan ciidanka Somaliland ahayn oo hub lasoo geli kartaa ma jirto, waana ka digaynaa in goobta aaska lala yimaaddo wax hub ah” ayuu yiri Caddaani. 

Waxa uu sheegay inay Somaliland ahaan diyaar u yihiin inay ka geystaan wixii gacan ah aaska meydka, isagoo si adagna u sheegay in ammaanka xarunta aasku ka dhacayo ay masuuliyadeeda iska leeyihiin. 

Garaad Abshir Garaad Saalax ayaa horraantii toddobaadkii tegay ku geeriyooday dalka Sweden, ayaa la filayaa in siyaasiyiin iyo madax-dhaqameed tiro badanina aaskiisa uga soo socdaalaan meelo badan ee dhulka Soomaalida kamid ah.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM