​Somaliland oo ka hadashay dagaal Buuhoodle kasocda

Image

HARGAYSA, Somaliland- Afhayeenka golaha wakiillada Somaliland ahna Guddoomiyaha xisbiga wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa ka hadlay dagaal beelo walaalo ah ku dhexmaraya degmada Buuhoodle ee gobolka Cayn.

Dagaalka oo dhaliyay khasaaro naf iyo maalba leh ayaa todobaadkan ka taagnaa degmadaas iyadoo ay ku dhinteen ilaa dhowr ruux oo katirsan dhinacyada dagaallamaya.

Cirro oo hadal kooban warbaahinta u gudbiyay ayaa sheegay inay aad uga xunyihiin dirirtaasi, isagoo xukuumadda Somaliland, axsaabta siyaasadda, golaha guurtida, Barlamanka iyo duub dhaqameedka maamulkaas ay u istaagaan sidii dadkaasi walaalaha ah nabad loo dhexdhigi lahaa.

Wuxuu intaas ku daray inay ka xisbi ahaan aysan doonayn dhiig walaalaha deegaanadaasi wada daga ku daadiyaan arrimo micno darro ah, wuxuuna ugu baaqay inay dantu ku jirto ilaalinta nabadda iyo wada dagaanaanshaha.

"Anigoo ku hadlaya magacayga, kan golaha Barlamanka iyo midka Xibsiga WADDANI, waxaana idiin sheegayaa inaan aad uga xunahay dagaalka dhexmaraya dadka walaalaha ah ee ka socda deegaanka Higlo, waxaana ugu baaqaynaa inay nabadda qaataan oo ay joojiyaan dhiigga micno darrada ku daadanaya," Ayuu mudane Cirro u sheegay warbaahinta.

Baaqa maamulka Somaliland ayaa kusoo aaday xilli muddooyinkii dambe deegaanada Sool iyo Buuhoodle ay ka dhacayeen dagaal beeloodyo ku salaysan is-maandhaaf dhexmaray beelaha halkaas daga iyo kuwo ka dhashay aanooyin qabiil.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca maamulka Puntland oo isna ka taliya degmada Buuhoodle.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM