Somaliland oo ka hadashay walaaca QM

Image

HARGAYSA, Somaliland- Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay walaac Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa aya ka muujisay dib u dhacyada tirada badan ee ku timid doorashada Madaxtooyada iyo Barlamanka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo la hadlayay BBC-da Barnaamijkeeda Focus on Africa, ayaa sheegay inaysan ku faraxsanayn dib u dhacyadaas ku yimid doorashada.

Wuxuu sababta ku sheegay abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada maamulkaas, wuxuuna ballan qaaday inaysan dib dambe u dhici doonin.

Wasiir Shire, ayaa ballan shaaciyay in doorashadu dhici doonto Bisha November ee sannadkan 2017.

“Anaguba kuma aanan faraxsanayn, balse waddanka abaaro ayaa ka jira, waxaase doorashadu dhici doonta bisha November,” Sidaas waxaa yiri Dr Sacad Cali Shire.

Hadalkan ayaa yimid markii Warbixin dhawaan uu bixiyay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayuu ku sheegay inay ka xunyihiin arrintaas oo uu xusay inay meesha ka saari doonto amintooyadii lagu qabay xukuumadda.

Guterres oo la hadlayay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa sheegay in arrintaasi dib usoo noqon, isagoo ku baaqay in la qabto doorashooyin xalaal ah.

Maamulka Somaliland ayaa dhowr jeer dib u dhigay doorashooyinka maamulkaas oo qorshahu ahaa inuu dhaco sannadkan horaantiisa sababo lagu sheegay abaaro ka jira deegaanada maamulkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM