Somaliland oo looga digey tacadiyada ka dhanka ah saxaafada

Image

PARIS- Ururka ay ku bahoobeen Weriyeyaasha aan Xaduudka laheyn ee loo yaqaanno " Reporters without borders"  ayaa ka digey tacadiyada ka dhanka ah saxaafada Kuwasoo xukuumadda Somaliland la beegsanayso warbaahinta madaxa bannnaan iyagoo xukuumadda iyo hay’adaha kale ee garsoorka ugu baaqey inay dastuurka ilaaliyaan.

War-saxaafadeed  arrintan uu kaga hadlayo ururkaan ayaa si gaar ah looga hadley dacwad ciqaab ah oo xukuumada Somaliland kusoo oogtay wargeysyo uu kamid yahay Ogaal iyo waliba tiro wariyayaal ah oo ku xiran magaalada Borama.  

Qoraalkaan  ururku soo saaray ayaa lagu xusay tiro wargeysyo ah oo la xayirey, kadib markii ay qoreen warar ka dhan madax xukuumadda Somaliland ka tirsan, iyadoo sidoo kale ururku xuseen Wariye Maxamed Cumar Jarey oo dhawaan ciidamada Boolisku ku xireen magaalada Borama, kadib markii ay baahiyey dad qaadaya heesta calanka Somalia. 

Somaliland oo ay ka jiraan jaraa'id kala duwan ayaa dadka tageera madax baaninada saxaafada waxay ku eedeeyaan in cadaadis la saaro saxafiyiinta ka howlgala maamulkaas. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM