​Somaliland oo safarka Gallayr ka hadashay

Image

HARGAYSA, Somaliland- Maamulka Somaliland ayaa ka hadashay safar maanta uu ku tagay magaalada Hargaysa madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Gallayr.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Yaasiin Maxamud Xiir (Faratoon), ayaa warbaahinta u sheegay inaysan dhibaato ku jirin socdaalka uu ku yimid Hargaysa, isagoo ku tilmaamay inuu ka qayb qaadanayo wada-xaajoodka u dhaxeeya Somaliland iyo Khaatumo.

“Waa run Cali Khaliif Gallayr, wuu yimid Harygasa, halkan buuna saaka ku waaberiistay wuxuuna ka duulay garoonka Hargeysa isagoo usii jeedda wadanka Jabuuti oo uu ka furmayo wada hadaladdii isaga iyo Somaliland u dhexeeyey,”Ayuu yiri  wasiir Faratoon oo magaalada Hargaysa ka hadlayay.

Faratoon, ayaa sidoo kale Gallayr ku tilmaamay muwaadin reer Somaliland ah, halka maamulka Khaatumo uu ku sifeeyay jabhad isaga ka amar qaadata oo katirsan deegaanada Somaliland.

“Cali Khaliif waa la ogyahoo Jabhad mucaarad ah ayuu madax ka ahaa, wuxuu sheeganayey maamul uu madax ka yahay qaybo dalka ka mid ah, dawladuna wada hadal ayey la gashay oo la doonayey in si qabow lagu dhameeyo, imminka wada hadalkii ayaa socda, wax diidmo ah iyo wax laga hor joogsaday inuu soo galana ma jirin, waxaana loo ictiraafsan yahay muwaadin reer Somaliland ah oo aaminsan firkad aan u cuntamin dadweynaha inteedda kale,"Ayuu hadalkiisa kusii daray wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Madaxweynaha maamulka Khaatumo oo hadda safar ku jooga magaalada Jabuuti.

Cali Gallayr, ayaa safar ku tagay Hargaysa isagoo ugasii amba baxay Jabuuti kadib markii shalay koox diidan arrinta uu u socdo ku xabiseen magaalada Buuhoodle ee gobolka Cayn.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM