Somaliland oo saluugtey qaabkii loogu soo dhoweeyey Silaanyo Djibouti
HARGEYSA-Xukuumadda Somaliland, ayaa saluug ba’an ka muujisay hannaankii madaxweyne Siilaanyo loogu qaabilay dalka Djibouti oo uu kaga qayb galay caleemo saarkii madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxana ay tilmaantay in lagu xad-gudbay maqaamkkiisa.
Cabdilaahi Jaamac Cimsaan (Geeljire) oo xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadda, haatanna ah xubin ka tirsan guddida ictiraaf raafinta Somaliland oo arrintan ka hadlay, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay nidaamkii madaxda dalka Djibouti ula dhaqmeen madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxana uu sheegay inay arrintaas ku arkaan mid gef iyo meel ka dhac ku ah madaxweynaha oo loola bareeray.
“ma ay ahayn inuu madaxweynaheenu kamid noqdo dadka marka madaxweynihii martida loo ahaa iyo kuwa kaleba soo galaan u kaca ee sacabka tuma’e waxa ay ahayd inuu kamid noqdo kuwa sacabka loo tumayo, ragga meesha marayeyna waxa kamid ahaa madaxweynahayaal marka laga reebo ictiraafka caalamiga ah ee dalkoodu leeyahay aan lahayn meeqaamka qof haaneed ee madaxweyne Siilaanyo leeyahay, qaar maxkamadaha caalamku raadinayaan ayaa madaxweynaheenii la yidhi sacabka u tun.” ayuu yidhi Cabdilaahi Geeljire.
Cabdilaahi Geeljire waxa uu shacabka reer Somaliland ka raalligeliyey hab-dhaqankii madaxweyne Siilaanyo kala kulmay dalka Djibouti, waxana uu xusay inay ogaadeen wax badanoo hore uga qarsoonaa.
Cabashada Somaliland ayaa timid maalmo kadib markii xaflada caleemo saarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele iyo madaxweynaha Puntland kuraas loo dhigey irrida ay kasoo gala&even madaxweynayasha wadamada Afrika kuwasoo ka qayb galayey munasabadaan.
GAROWEONLINE