Somaliland oo Shaacisay Tirada Dadka Qaatey Kaadhka Codbixinta

Image

HARGEYSA, Somaliland- Guddiga doorooshooyinka Somaliland ayaa ku dhawaaqey maanta 10 Oct,2017 tirada dadka qaatey kaadhka codobixinta doorooshooyinka soo socda, waxayna ku sheeegeen iney qaateen dad gaaraya 704,089 codbixiye kuwasoo ka codeyn doona 1642 goobood ee ku yaala 21 degmo oo ka tirsan maamulkaas.

Kaadhka codbixinta ayaa lagu sheegey in diwaan galintii hore u qaateen dad gaaraya 873,331iyadoo ay ku sheegeen in is-dhinka dambe ka yimid abaarihii dhowaan ku dhuftey qaar ka tirsan degaanada Somaliland.

Komishanka doorashada ayaa xogtaan ku wareejiyey sadexda xisbi siyaasadeed ee ka jira Somaliland iyo Wasiirka arimaha gudaha.

Dadweynaha Somaliland ayaa lagu wadaa in doorashada Madaxtooyada dhacdo 13 Nov,2017 iyadoo ay ku tartami doonaan sadexda xisbi siyaasadeed ee Kulmiye, Wadani iyo Ucid.

Doorashooyinka Somaliland ayaa horey dib uga dhacey iyadoo lagu macneeyey arimo la xiriiro diyaar garow la'aan iyo abaaro degaano maamulka ka tirsan ku dhuftey.

Madaxweynaha Somaliland Axamad Maxamad Maxamuud "Siilaanyo" ayaa doorashada Madaxtooyada ee dhaceysa 13 Nov, 2017 isu soo taageen iyadoo xisbiga Kulmiye ee talada haya uu musharax u yahay Muse Xuseen Cabdi-(Muuse-Biixi)

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM