Somaliland oo sharaxdey kulanka Farmaajo xilli Biixi u duulay Jabuuti

Image

HARGEYSA, Somaliland – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa u duulay Jabuuti xilli Wasaaradda Arrimaha Dibadda maamulkaas ay ka warbixisay shirka uu halkaas kula yeelanayo madaxweyne Farmaajo.

Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir [Faratoon], wasiirka wasaaradaas oo war-fidiyeenka kula hadlay garoonka diyaaradaha magaaladda Hargeysa, ayaa tilmaamay in uusan jirin ajenda leysku raacsan yahay waqti xaadirkaan.

Sidda laga soo xigtay Faratoon, waxaa Biixi ku wehlinaya socdaalka afhayeenka baarlamaanka, afar wasiir iyo Adna Aadan Ismaaciil, lataliye sarre oo madaxtooyadda u qaabilsan arrimaha wadahaladda Soomaaliya.

"Wafdiga wuxuu ka qeybgalayaa shir lagu casuumay oo ay soo qaban-qaabiyeen dowladaha Jabuuti iyo Mareykanka kana soo qeybgalayaan madax kale oo uu ku jiro ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed," ayuu yiri.

Ma uusan soo bandhigin magacyadda wasiiradda oo la aaminsan yahay in uu isagga ku jiro afarta xubnood ee uu daaha ka rogay.

Wuxuu hadalkiisa intaasi ku daray: "Waxaa leysku keenayaa madaxda Soomaaliya iyo Somaliland, ujeedada shirku waa intaas. Ajendihiisa iyo waxa laga wada hadlayo, dee markii la isku tago unbaa laga wada hadlayaa".

Faratoon ayaa rajeeyay in uu "is-afgarad iyo guul" kusoo dhamaado kulanka oo uu shir gudoominayo madaxweyne Ismaaciil Cumr Geelle.

Farmaajo iyo Biixi ayaa yeelanaya kulankaan xilli ay wajahayaan cadaadis uga imaanaya xisbiyadda mucaaraadka oo raba in ay waqtigooda ku qabsoomaan doorashooyinka soo aadan, oo shaki laga muujinayo in ay dhacayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland Oo Beenisay Hadal uu yiri Wasiir katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Somaliland waxay ahaaneysaa dal madax-bannaan, xasilloon, oo nabad ku jirta. Dadkeennu waa mid mideysan oo adkaysi leh.

  • Somaliland

    08-12-2025

  • 07:53AM

Somaliland oo mamnuucday in E-VISA oo Dowladda Soomaaliya soo saartay lagu tago Hargeysa 

Arrintan waxay ka mid tahay khilaafka muddo dheer ka taagnaa maamulka hawada iyo maamulka guud ee hawada Soomaaliya.

  • Somaliland

    09-11-2025

  • 07:36AM