​Somaliland oo soo bandhigtay Afti lasoo aruuriyay

Image

HARGAYSA, Somaliland- Munaasabad maanta lagu qabtay magaalada Hargaysa ee caasumadda Somaliland ayaa lagusoo bandhigay afti laga aruuriyay qaar kamid ah dadka ku dhaqan gobollada maamulkaasi.

Aftida la qaaday ayaa dadka lagu weydiinayay mowqifkooda ku aadan gooni u istaaga Somaliland, waxaana sida uu sheegay wasiirka Arrimaha Dabacadda Dr. Sacad Cali Shire u codeeyay in kabadan 1 Malyan oo qofk isagoo intaasi ku daray inay gayn doonaan aragtidaasi dhammaan dunida iyo ururada caalmiga ah ee jira.

Madaxweynaha Somaliland Axamed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo kulankaasi ka qayb galay ayaa sheegay in samaysteen dowlad dhinac walba ka dhammaystiran isagoo tilmaamay in caalamka ka jiraan waddamo horay isugu darsamay muddo kadib kala noqday kuwo madax bannaan.

Wuxuu sheegay in shacabka Somaliland ku hungoobeen damacoodii ay kula midoobeen Somalia inteeda kale, isagoo sheegeen inay ka dashadeen aayahooda islamarkaana aysan Rubac Qarni ka qayb galin shirarkii dib u hishiiseeneed ee ka dhacayay Somalia.

Siilaanyo ayaa xusay inaysan qayb ka ahayn dalka Somalia sidaas darteed ay doonayaan in beesha caalamka siiyo ictiraafka ay mutaysteen.

Raadinta aqoonsiga ee maamulka Somaliland ayaa soo taagnaa tan iyo markii ay ku dhawaaqeen inay ka go'een dalka Somalia intiisa kale, balse ilaa hadda ma jirto cid ictiraaf siisay.

HALKAN KA DAAWO KHUDBAD UU MUNAASABADAASI KA JEEDIYAY MADAXWEYNE SIILAANYO

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo si rasmi ah u hakisay wadahadalladii Federaalka Soomaaliya

Somaliland ayaa sheegtay in ay si taxadar leh uga fiirsan doonto xiriirka iyo wadahadallada mustaqbalka DFS, iyadoo xaaladda sii xumaanaysa.

  • Somaliland

    16-04-2025

  • 04:54PM

Soomaaliland oo Gaadiid iyo Hub ka Iibsatay Maleeshiyo Ku sugan Gobolka Sanaag

Tallaabooyinkan ayaa lagu sheegay inay muhiim u yihiin sidii loogu xasili lahaa gobolka Sanaag iyo guud ahaan Soomaaliland.

  • Somaliland

    06-03-2025

  • 09:14AM