Somaliland oo taageertey wadamada xiriirka u jarey dalka Qadar

Image

HARGEYSA- Somaliland waxay taageertay Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo ay sheegtay inay la mowqiftahay, midaasi oo la micno ah inay xiriirka u jareen Qadar.

Go'aankan ayaa kasoo baxay kulan aan caadi aheyn oo Golaha wasiirada Somaliland yeesheen maanta, wasiirka arrimahada dibedda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa weriyayaasha u akhriyey go'aanka waxaana uu yahay:-

1- in Jamhuuriyadda Somaliland si buuxda u taageerto mawqifka iyo aragtida ay ka qaateen Sacuudiga iyo Imaaraadku khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya iyaga iyo Dalka Qadar.

2-Laga bilaabo maanta cid aan ogolaansho ka haysan Jamhuuriyadda Somalialnd ma isticmaali karaan, mana mari karaan hawada Jamhuuriyadda Somaliland.

3-Jamhuuriyadda Somaliland way u madax-banaan tahay cirkeeda , dhulkeeda iyo baddeedaba, Soomaaliyana kama taliso, mana bixin karto ogolaansho cidi ku isticmaasho cirka, dhulka iyo badda Jamhuuriyadda Somaliland.

GAROWEONLINE+  Jamac Depeani

Related Articles

Cirro oo dowladda Soomaaliya iyo Jabuuti ku eedeeyay faragelin, difaacayna xiriirka Israa’iil

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Somaliland.

  • Somaliland

    28-05-2026

  • 03:13PM

Israa’iil oo aqoonsi diblomaasiyadeed siisay safiirkii ugu horreeyay ee Somaliland u fadhiya Tel Aviv

Israa’iil ayaa noqotay dalka ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland bishii December 2025.

  • Somaliland

    26-02-2026

  • 06:59AM