Somaliland oo taageertey wadamada xiriirka u jarey dalka Qadar

Image

HARGEYSA- Somaliland waxay taageertay Sacuudiga iyo Imaaraadka, oo ay sheegtay inay la mowqiftahay, midaasi oo la micno ah inay xiriirka u jareen Qadar.

Go'aankan ayaa kasoo baxay kulan aan caadi aheyn oo Golaha wasiirada Somaliland yeesheen maanta, wasiirka arrimahada dibedda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa weriyayaasha u akhriyey go'aanka waxaana uu yahay:-

1- in Jamhuuriyadda Somaliland si buuxda u taageerto mawqifka iyo aragtida ay ka qaateen Sacuudiga iyo Imaaraadku khilaafka siyaasiga ah ee u dhexeeya iyaga iyo Dalka Qadar.

2-Laga bilaabo maanta cid aan ogolaansho ka haysan Jamhuuriyadda Somalialnd ma isticmaali karaan, mana mari karaan hawada Jamhuuriyadda Somaliland.

3-Jamhuuriyadda Somaliland way u madax-banaan tahay cirkeeda , dhulkeeda iyo baddeedaba, Soomaaliyana kama taliso, mana bixin karto ogolaansho cidi ku isticmaasho cirka, dhulka iyo badda Jamhuuriyadda Somaliland.

GAROWEONLINE+  Jamac Depeani

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM