​Somaliland: Saami qaybsiga kuraasta Barlamanka oo lagu hishiin waayay

Image

HARGAYSA, Somaliland- Saddex xisbi siyaasadeed ee maamulka Somaliland ayaa ku hishiin waayay saami qaybsiga kuraasta Barlamanka iyagoo sidoo kale isku fahmi waayay dhammaystirka xeerka qabyada ah ee Xildhibaanada.

Afar kulan oo saddex xisbiy yeesheen ayaa noqday kuwo kusoo dhammaaday natiijo la'aan inkastoo shirkoodii ugu dambeeyay ay kasoo saareen saddex qodob oo qeexayay in arrinta la isku mari waayay dib loogu celiyo madaxweyne Siilaanyo.

Xisbiyada ayaa sidoo kale go'aan ku gaartay inay ku qancayaan tallaabada madaxweynuhu qaato.

1. in arrinta saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiillada dib loogu celiyo madaxweynaha Somaliland, isla markaana madaxweynuhu go'aan kama dambays ah ka gaadho arrinta saami-qaybsiga kuraasta Golaha wakiillada iyo doorashada golaha wakiillada ee qorshaysan inay qabsoonto bisha march 2017-ka.

2. waxa la isla qaatay in saddexda xisbi u hogaansamaan go'aanka uu madaxweynuhu gaadho ee khuseeya arrinta saami-qaybsiga kuraasta golaha wakiillada Somaliland.

3. in Akaadamiga Nabadda iyo Horumarinta iyo dallada ururrada Bulshada(SONSAF) ay ku ilaaliyaan saddexda xisbi-qaran fulinta qoddobada lagu heshiiyey.

Horay madaxweyne Siilaanyo ayaa go'aan ka gaarista kuraasta Barlamanka iska fogeeyay, waxaana wararka arrintaasi ku saabsan sheegayaan inuu ka war-wareegayo maadama aad loogu kala aragti duwanyahay khilaafna laga cabsi qabo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Somaliland oo Dalbatay in Soomaaliya Dib Loogu Soo Celiyo Cunaqabateynta Hubka

Somaliland, oo 1991-kii ku dhawaaqday inay kaga go’day Soomaaliya inteeda kale balse aan weli helin aqoonsi caalami ah.

  • Somaliland

    03-08-2025

  • 03:52PM

Somaliland oo sharci darro ku tilmaantay maamulka cusub ee Waqooyi Bari

Wasiirka Warfaafinta, Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, oo warbaahinta la hadlay kadib kulanka, ayaa sheegay in Somaliland...

  • Somaliland

    02-08-2025

  • 01:45PM