​Somaliland: Wariyaal Berbera lagu xiray

Image

BERBERA- Ugu yaraan saddex wariye oo ka hawlgeli jirey magaalo-xeebeedda Berbera, ayaa xabsiga loo taxaabay, kadib markii ay gudbiyeen warbixin la xiriirta maalgelinta lagu samaynayo dekedda Berbera oo wakiillada xukuumadda ee gobolkaasi aanay ku faraxsanayn.

Maayarka degmeda Berbera Cabdishakuur Maxamuud Ciddin oo warbaahinta qaarkeed la hadlay, ayaa qirtay inuu wariyayaashan ku xidhay amarkiisa, kadib markii ay ku tallaabsadeen arrimo sharciga iyo ammaanka ka dhan ah sida uu sheegay.

 “Anigaa bixiyey amarka soo xidhista, intaanu xadhigani dhicin ka hor warbaahinta waan iskugu yeedhay waxana aan u sheegay inaanu shuruucda dalka ku wada shaqayno, oo nabadgelyada laga wada shaqeeyo intii amar diiddada samaysay ayaanu xidhxidhnay, hay’adaha dembi baadhistana waanu hor geynaynaynaa, Madax-bannaanidu ma aha inuu qofku wuxuu doono sii daayee waa in shuruucda dalka la ixtiraamaa,” Ayuu yiri guddoomiyaha golaha deegaanka Berbera Mudane Cabdishakuur.

Sababta lagu xidhay wariyayaashan, ayaa lagu sheegay kadib markii ay baahiyeen muuqaalka qaarkamid ah xildhibaannada golaha deegaanka Berbera oo dalbaday in la tuso faahfaahinta heshiiska lagu maalgelinayo dekedda Berbera oo wali aan gacanta xukuumadda kasoo bixin, taas oo uu maayarka magaaladuna si weyn u dhibsaday.

Wariyayaasha ilaa iyo haatan uu maayarku ku guulaystay inuu xabsiga dhigo, ayaa kala ah Cabdiraxmaan Maxamed Cige, Axmed Siciid, Axmed Siciid Maxamed iyo wariye Mubaarik Nirig.

Waxana xariggan si kulul u cambaareeyey ururka suxufiyiinta Somaliland ku bahoobeen ee SOLJA, waxana soo baxaya warar sheegaya inay jiraan wariyayaal kale oo wali lagu dabo jiraa.

Somaliland inta badan waxa aad loo xidhxidhaa wariyayaasha madaxa bannaan, waxana inta badan dhacda inay jeelasha muddo ku jiraan, ka hor inta aan la horgeynin maxkamadaha.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Qatar oo u yeertay Cabdiraxmaan Cirro kadib baaqii Xasan Sheekh

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan casuumaadda Qatar usoo dirtay Cirro.

  • Somaliland

    27-06-2025

  • 08:48PM

Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro oo looga yeeray Jabuuti

Wuxuu madaxweynaha ku wehlinayaa safarkiisa xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda.

  • Somaliland

    21-05-2025

  • 09:19AM