Somaliland: Xarun diiwaangelin doorasho oo la qarxiyey

Image

HARGEYSA, Somaliland – Ugu yaraan laba askari iyo hal qof kale oo shacab ah ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen bam-gacmeed lagu weeraray goob ay ka socotay diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Askarta waxyeeladda kasoo gaartey falkaas ayaa lagu waramay in ay kamid ahaayeen ilaaladda xaruntaas ku dhow Ataash Hotel.

"Shaqsiyaadkii bambada ku tuuray goobta waxay ka carareen goobta isla markiiba ay falka fuliyeen," ayuu yiri goobjooge u waramay warbaahinta maxaliga kaasoo sababo amni awadeed uga gaabsaday magaciisa.

Ma jirto koox illaa haatan dusha saaratay mas'uuliyadda falkaas. Laamaha ammaanka Somaliland ayaan dhankooda wali ka hadlin.

"Ciidamadda waxay weerarka kadib bilaabeen howlgalo ay sheegeen in lagu xaqiijinayo nabad-gelyadda. Balse wali ma cadda hadii ay soo qabteen cid ku lug leh falkaas," ayuu hadalkiisa ku daray goobjoogaha.

Bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay 2020 ayay Somaliland si rasmi ah u bilowdey diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha taasoo laf-dhabar u ah qabsoomida doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha degaanka.

Inkasta oo horey aan loo diiwaan-gelin kiisas amni daro, haddana sanadkan waxaa la filayaa in ammaanka uu kamid yahay caqabadaha soo wajihi doorashooyinka Somaliland maadaama maleyshiyaad ka tirsan Daacish lasoo wariyey in lagu arkay qaybo kamid ah buuraleyda maamulka Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Cirro Oo Sheegay Inaysan Somaliland Dagaal Kula Jirin dowladda Soomaaliya

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha dowladda Soomaaliya ee dhisidda maamulka cusub ee looga dhawaaqay Laascaanood.

  • Somaliland

    26-10-2025

  • 12:16PM

Madaxweynaha Somaliland oo safar rasmi ah ku tagay Addis Ababa

Madaxweynaha Xasan Sheekh ayaa booqday Addis Ababa kahor inta uusan Cirro gaarin Maanta.

  • Somaliland

    14-10-2025

  • 03:51PM